War Deg Deg Ah: Jabhadda Raaskambooni Oo Diiday Inay Xamar Tagto

0

deg-deg21Kismaayo(AGGM)  Afhayeenka Jabhadda Raaskambooni oo mar dhaw la hadlay Idaacada BBC-da ayaa daboolka ka qaaday inaysan garabkooda Raaskambooni tageyn Magaalada Muqdisho isla markaasna aysan ka qayb qaadaneyn Shirka Dib u heshiisinta ee dawlada federaalka ahi maamul ugu sameynayso Degaanada Jubooyinka Iyo Gedo.

Afhayeenka Jabhadda Raaskambooni ayaa sheegey inaysan maamulkoodu diyaar u ahayn inay ka qayb qaataan shirka magaalada Muqdisho iyagoo la sheegey inay ku doodayaan in shirkii dhawaan ka dhacay kismaayo ee lagu soo aruuriyey Xamaaliinta iyo darbi jiifyada isla markaasna ay ku tilmaameen inuu madaxweyne yahay Axmed Madoobe ay kaga baxday lacag badan isla markaasna kharashkaasi ahaa mid aysan iloobi doonin.

Waxaa hadalkan imaanayaa xilli uu Axmed Maxamed Islaan ( Axmed Madoobe ) oo ah hogaanka Jabhadda Raskambooni uu shalay dib ugu soo laabtey Magaalada Kismaayo isla markaasna shaaciyey inuu ka qayb galayo shirka dawlada federaalka ah ee soomaaliya ku qabanayso Magaalada Muqdisho,waxaana uu shalay warbaahinta layska arko arrintaasi ka sheegey inkastoo aan la aqoon ujeedka ka dmabeya  inuu mawqifkisu bedelmo.

Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in kooxda Raaskambooni ku doodayaan hadii dawlada soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay bixiso lacag dhan 3 Milyan oo dollar oo ay ku tilmaameen inay ku baxday sheekadii ” Shimbirayahaw Heesa ‘  ee looga dhawaaqay axmed madoobe inuu yahay madaxweyne. Arrintan ayaa u eg gorgortan ah in dhaqaalahaasi la siiyo si ay uga qayb galaan kulankaasi.

Si kastey ahaataba magaalada kismaayo ayaa u muuqata mid aan marnaba ka maarmayn dagaalo dad badan naftooda galaafta oo u dhexmara ciidamada dawlada federaalka ah ee ku sugan kismaayo iyo dhinacyada kale ee sheegayana inay yihiin madaxweyneyaasha Jubbaland oo ay ka mid yihiin kooxaha Axmed Madoobe ,Isitiin Xasan Baasto,Cumar Buraale Maxamed  Iyo kuwa kale oo badan isla markaasna hubeysan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com