Madaxweyne Xasan Oo La Kulmay Wefti Midawga Yurub & Safiirka Dalka Britain ( Sawiro)

0

DSC04822Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Midowga Yurub iyo Safiirkii hore ee Dowladda Britain u qaabilsanaa Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dalka ayaa ugu horeyn waxa uu magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub oo ka koobnaa 18safiir islamarkaana uu hogaaminayey Gudoomiyaha gudiga amniga iyo siyaasadda Midowga Yurub Mr Olof Skoog waxaana Madaxweynaha iyo Wafdigu ay ka wada hadleen sida ay usii xoogeysaneyso taageerrada Midowga Yurub uu siiyo Soomaaliya,sidoo kalena waxaa Madaxweynaha kulanka ku wehliyey Wasiirrada Gaashaandhigga,arrimaha gudaha, wasiirudowlaha Madaxtooyada iyo Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida qaarkood.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wafdiga ay ka wada hadleen arimmo badan oo ay ugu horeeysay hormarka dhinacyada Siyaasadda iyo ammaanka ee ay Dowladdu sameysay mudooyinkii ugu dambeeyey iyo sida ay hormarradaasi loosii wadi karo ayadoo Dowladda laga taageerayo baahiyada jira.

Sidoo kale gudoomiyaha gudiga amniga iyo siyaasadda ee Midowga Yurub oo wafdigan hogaaminayey Mr Olof Skoog ayaa isna dhankiisa saxaafadda u sheegay in Midowga Yurub ay aad u taageersanyihiin hormarrada ay gaartay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana uu dhanka kale xusay in Midowga Yurub ay ka go’antahay sidii ay usii wadi lahaayeen taageerrada ay siinayaan Soomaaliya si Dowladdu ay usii wado hormarrada ay gaartay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirkii hore ee Dowladda Britain u qaabilsanaa arimaha Soomaaliya Danjire Matt Baugh oo isagu dhawaan xilkaasi laga bedelay.

Ugu horeyn Madaxweynaha ayaa aad ugu ammaanay sidii uu ula shaqeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya mudadii uu ahaa Safiirka Dowladda Britain u qaabilsan Soomaaliya ayadoo wadashaqeyntaasina ay ugu horeysay dib u howlgelinta Safaaradda Dowladda Britain ee Soomaaliya.

Safiirkii hore ee Dowladda Ingiriiska u qaabilsanaa Soomaaliya Danjire Matt Baugh ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda kale ee Dalka sidii ay ula shaqeeyeen mudadii uu ahaa safiirka Dowladda Ingiriiska ee arrimaha Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

DSC04675DSC04681DSC04682DSC04684DSC04685DSC04688DSC04692DSC04704DSC04705DSC04783DSC04785DSC04787DSC04785DSC04818DSC04822