Siyaasiga Cumar Buraale '' Xaaladu Waa Degan Tahay Iyaga Cid Soo Dirsaday Xabad Joojina Dalbaday ''

0

kismaayo21Kismaayo(AGGM) Siyaasiga Cumar Buraale Maxamed oo ka mid ah ragga sheegta madaxweynimada Jubbaland ayaa maanta saxafada kula hadlay magaalada kismaayo,waxaana uu ka hadlay xaalada magaalada kismaayo,waxaana uu shaaciyey in magaaladu hadda degan tahay isla markaasna ay jirto waanwaan ay wadaan waxgaradka dhamaan kooxihi ku dagaalamay magaalada kismaayo.

Cumar Buraale Maxamed waxaa uu shaaciyey inay magaalada degan tahay isagoo sheegey inay magaaladu soo martey laba maalmood oo dagaal ah kuwaasi oo u dhexeyey Jabhadda Raaskambooni iyo ciidamo u daacad ah  Istiin Xasan Baasto oo isna sheegta inu madaxweyne yahay,waxaana uu sheegey inuu ganacsigu dib u furmay isla markaasna xaaladihii dagaal laga soo kabanayo.

Cumar Buraale Maxamed  Iyo Istiin Xasan Basto ayaa isku dhinac ka ahaa dagaaladii dhawaan ay la galeen Raaskambooni,waxaana uu Cumar Buraale sheegey in kooxda Raaskambooni la soo xirireen waxgaradka isla markaasna dalbadeen wada hadal,waxanaa uu sheegey in wada hadalkaasi hada la wado isla markaasna aan wax go,aan ah lagu kala gaarin uuna socdo.

Dhinaca kale waxaa uu shaaciyey in dhinacoodi ay ku dadaalayaan sidii dadka reer kismaayo nabad ugu noolaan lahayeen,waxaana uu eedeyn u jeediyey ciidamada kiiniya isagoo ku eedeyey inay tageero dhan kasta ah siinayaan kooxda Raaskambooni,waxaana uu shaaciyey in arrintaasi tahay mid bini aadamnimada ka baxsan isla markaasna ciidamada kiiniya ay dhibaato ka dhex wadaan shacabka dega gobolka jubadda hoose.

Si kastey ahaataba waxaa uu Cumar Buraale Maxamed sheegey in wali ciidamadii labada dhinac meelaha qaarkood isku horfadhiyaan isla markaasna dhankoodu uu nabad ku baaqayo,waxaana uu sheegey inay tageersan yihiin dawlada federaalka ah ee soomaaliya isagoo shaaciyey in dhibaatada ka dhacda kismayo ay masuuliyadeeda qaadayaan ciidamada Kiiniya iyo kuwa  Raaskambooni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com