Raisalwasaare Shirdoon '' Maslaxdda Shacabku Waxay Ku Jirtaa Wada Hadal Iyo Dib U Heshiisin ''

0

saacidMuqdisho(AGGM) Raisalwasaaraha Dawlada Federaalka Soomaaliya Dr Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ka hadlayay Arrimaha Jubbooyinka ayaa waxa uu sheegay in dowladda qorshaheeda Koowaad ay tahay In ay wada xaajood ku wajahdo arrimaha Jubbooyinka,Waxaana uu sheegey in shacabku u baahan yihiin nabad iyo horumar.

Waxaa uu Yiri “ Maslaxadda waxa ay ku jirtaa wada hadal iyo dib u heshiisiin loo qabto ummadda ku dhaqan gobollada Jubooyinka Iyo Gedo,dawladuna waxay rabtaa inay door muhiim ah ka qaadato dib u heshiisiinta  “”

Ra’isal Wasaare Saacid ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadaha iyo Xasradaha ka taagan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose lana qaato talada iyo awaamiirta dowladda Soomaaliya,waxaana uu sheegey in dawladu go,aan ku gaartey inay shacabka walalaha ee ku nool gobolladaas badbaadiso dhiigooda isla markaasna cid kasta oo isku haysa miiska nabadda isugu timaado.

Muddooyinkii dambe ayaa dagaal iyo Dhiila Colaadeed waxa uu ka ooganaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose kaasi oo mid ka mid ah dhinacyada halkaasi isku haya ay ku eedeeysay dowladda Soomaaliya in ay qeyb ka qaadaneyso hurinta Colaadaha halkaasi ka taagan.

Si kastey ahaataba waxaa hadalkan raisalwasaaruhu imaanayaa xilli dhawaan gudaha magaalada dagaalo xoogan ka dhaceen kuwaasi oo dhexmarey ciidamada jabhadda raaskambooni iyo maleeshiiyo beeleed tageersan masuul sheegtey inuu yahay madaxweynaha jubbaland,waxaana dagaaladaasi sababeen geerida shacab iyo kooxihi dagaalamay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com