Maraykanka Oo Rajo Wanaagsan Ka Muujiyey Xafiiska UNSOM Ee Muqdisho Laga Furay

0

USA-flagMuqdisho(AGGM)  Dowlada Mareykanka ayaa rajo wanagsan ka muujisay in Soomaaliya uu isbedel ka dhaliyo xafiiska cusub ee Q.midoobey ee UNSOM kaas oo dhawaan laga furay magaalada Muqdisho.

Warmurtiyeed ka soo baxay wasaarada arimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegey in dowlada Mareykanka y si buuxda u taageersantahay howlgalka iyo qorshaha cusub ee Jimciyaa Qurumaha ka dhexeysa ay ka waddo Soomaaliya.

Qoraalkan ka soo baxay waxda warfaafinta ee wasaarada arimaha dibadda ee dowlada Mareykanak ayaa lagu cadeeyay in xukumada Washington ay ku faraxsantahay isbedelka lagu sameeyay howlgalka siyaasadeed  qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Danjiraha cusub oo ay u magacawday Soomaaliya.

‘’Waxan ugu mahad celinaynaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, AMISOM iyo militariga Ethiopia sida geesinimada leh oo ay naftooda ugu hurayaan bad badinta shacabka Somalia,  ayna ka mira dhaliyeen mustaqbal ifaaya oo Somali yeelato’’  ayaa lagu yiri bayaan ka ay soo saartay wasaarada Arimaha dibadda ee xukumada Washington.

Mareykanka aya sheegey in uu aaminsanyahay in weli ay dhimanyihiin howlo adag,  taasi oo ah in meesha laga saaro dhibatada ay bulshada ku hayaan maleeshiyaadka Shabaab

Isha Ku hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com