Kulan Ka Dhacay Gaalkacyo Oo Si Kulul Loogu Weeraray Faroole Iyo Axmed Madoobe

0

faroole-iyo-axmed-madoobeGalkacayo(AGGM) Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Magaaladaasi maanta uu ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen qeybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka ee Maamulka Puntaland.

Kulanka ayaa Looga hadlayay Colaada iyo dagaallada Ka Jira Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose iyadoona Kulanka Masuuliyiintii ka hadashay ay eedeyn u soo Jeediyeen Madaxweynaha Maamulka Puntaland C/raxmaan Faroole iyo Hoggaamiyaha Raaskaambooni Axmed Madoobe iyagoo ku eedeeyay in ay hurinayaan Colaadda iyo xiisadaha ka oogan Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Masuuliyiintii ka qeyb galay kulanka ayaa sidoo kale sheegay in dhibaatadii ka dhalata dagaallada Ka socda Kismaayo ay dusha u ridanayaan Madaxweynaha Puntland iyo hoggaamiyaha Maleeshiyaadka Raaskaambooni.

Afhayeenka Ururada Bulshada Rayidka ee Puntland Dr Daahir Cumar Siyaad oo kulanka markii uu soo idlaaday la hadlay Saxaafadda ayaa waxa uu shegay in kulanka looga hadlay dagaallada  ka Jira Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose isagoo dagaalladaasi ku eedeeyay in ay hurinayaan C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole Madaxweynaha Puntland iyo Axmed Madoobe Hoggaamiyaha Ururka Raaskaambooni.

Muddooyinka dambe ayaa waxaa deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka dhacayay Kulamo looga soo horjeedo dagaallo iyo dhiilo colaadeed oo ka taagan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose kuwaasi oo lagu eedeynayay in ay ka dambeeyaan Hogaamiyaha Maleeshiyada Raaskaambooni iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland.

faroole-iyo-axmed-madoobe

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com