Mahiga Oo Boorsadiisa Ka Qaatey Soomaaliya Iyo Dawlada Oo Sagootisay (Sawiro)

0

IMG_9661Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud, ayaa maanta qado sharaf ugu sameeyey Danjire Augustine Mahiga madaxtooyada.

Shir jaraa’id oo ay wada qabteen ayuu madaxweynahu yiri “Maanta Saaxiib ayaan sagootineynaa. Saaxiib nala joogey waqtiyo adag iyo kuwo kaleba. Saaxiib aan ka daalin caawinaada Soomaaliya oo suurtogeliyey in Soomaaliya ay afar sano isbedel muuqda ka sameysey amniga iyo siyaaasadda.

“Mahiga waa saaxiibkeyga iyo sidoo kale saaxiibka Soomaali oo dhan. Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan is naqaano, oo marka buugaagta taariikhda la qoro in doorka Dr Mahiga iyo kaalmadiisa Soomaaliya aad loogu riyaaqi doono oo loo sacab tumi doono.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadiyado isgu jiro shahaado sharafeed, iyo dharka dhaqan Soomaaliyeed iyo weliba baat iyo mindi guddoonsiiyey.

“Dr Mahiga waxuu ahaa qoraagii Roadmap-ka. Inkastoo ay jireen shakiyo in si nabad ah lagu dhameystirayo Roadmap-ka, haddana waxuu ahaa Roadmap-kan oo isu keenay Soomaali oo dhan, oo u horseeday dib u heshiisiin keentay in la helo dowlad rasmi ah.

“Khibradiisa, waayo aragnimadiisa, degennashihiisa, dulqaadkiisa iyo dabeecadiisa wanaagsan iyo xushmaddiisa aad baa loo tabi doonaa.

“Waxuu aaminsanaa Soomaaliya goor ay dad badan diidanaayeen. Waxuu shir guddoomiyey shirar badan isagoo ogaa in shirarkaas oo isu tagay inay muhiim u ahaayeen mustaqbalka. Diiradiisu waxey marwalba u saarneyd shacabka Soomaaliyeed, waxuuna ku guuleystay in si nabad ah dowlad rasmi ah loo helo oo dad badan ay aaminsanaayeen inaysan dhaceynin.

“Waxuu Soomaaliya gaarsiiyey waddadii soo kabashada, waxaana u ballanqaadeynaa inaan sii wadeyno shaqadii uu bilaabay inagoo siduu aaminsaa rumeysan. Magaca dalkan wanaagsan ayaa ugu mahadcelinayaa Dr Mahiga.”

IMG_9616IMG_9622IMG_9656IMG_9661IMG_9676IMG_9676 IMG_9687

          DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

 

Senior Advisor & Spokesperson

 

Office of the President of the Federal Republic of Somalia

 

 

engabdirahman@gmail.com +252615479911 or +252699998854