War Deg Deg Ah: Madaxweyne Bare Hiiraale Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Hadalkii Axmed Madoobe

0

barre-hiiraale2Kismaayo(AGGM) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Col Bare Aadan Shire ayaa ka hadlay hadal ka soo yeerey horjoogaha Jabhadda Raaskambooni Axmed Madoobe oo shalay shir jaraa’id ku qabtey Magaalada Nairobi,waxaana uu Madaxweyne Bare hiiraale sheegey inuusan jirin maamul aan maamulkiisa ahayn isla markaasna ka arrimin karin karra gobollada Jubooyinka iyo Gedo,waxaana uu sheegey inuu Axmed madoobe riyo ku jiro dhawaana uu toosi doono.

Madaxweyne Bare Aadan Shire oo saaka shir jaraa’id ku qabtey Xaruntiisa Madaxtooyada ayaa daboolka ka qaaday in Axmed Madoobe iyo kooxduusan aysan awood u lahayn inay shaqsi soomaaliyeed oo ay hub ka dhigis ku sameyaan,waxaana uu sheegey inay riyoonayaan isla markaasna aysan runta ka hadlin.

Sidoo kale Madaxweyne Bare Aadan Shire ayaa daboolka ka qaaday in ciidamada Maamulka Jubbaland ku jiraan heegan buuxa isla markaasna talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan cid kasta oo isku dayda inay amaanka magaalada kismaayo khalkhal galiyaan,waxaana uu sheegey in ciidamadiisu amar buuxa ku haystaan inay talaabo ka qaadaan cid kasta oo isku dayda inay amaanka ku xad gudbaan.

Dhinaca kale waxaa uu sheegey in dagaaladii kismaayo ka dhacay labadii maalmood ay ahayeen kuwo shacab dhibaato loogu geystey isla markaasna hoobiyeyaal lagu garaacay xaafado dad masaakiin ahi ku sugnaayeen,waxaana uu sheegey inuu aarrintasi ka xun yahay una tacsiyeynayo eheladii iyo shacabkii ay dadkaasi ka geeriyoodeen.

Sidoo kale waxaa daboolka ka qaaday in Maamulkisu hadda wado qorshe uu amaanka magaalada ku xaqiijinayo isla markaasna kooxaha qaska wada wada uu doonayo inuu gacan bir ah ku qabto si amaanka shacabka loo sugo,waxaana uu sheegey inuusan u dul qaadan doonin in shacabka masaakiinta ah ku sugan kismaayo madaafiic lagu garaaco.

Si kastey ahaataab waxaa hadalkan ka soo yeerey Madaxweynaha Jubbaland Col Bare Aadan Shire ku soo aadayaa xilli uu hogaanka Raaskambooni uu sheegey inay magaalada kismaayo ay maamulaan isla markaasna magaalada kismaayo isku horfadhiyaan labadii garab ee ku dagaalamayey maalmihi la soo dhaafay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com