Wasiirka Gashaandhigu Oo Wali Ku Sugan Magaalada Kismaayo,Beeniyeyna Inuu U Dhoofey Muqdisho

0

Fiqi11Kismaayo(AGGM) Wasiirka Gashaandhiga dawlada Federaalka ah ee soomaaliya oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa saxafada la hadlay ayaa shaaciyey inay dagaalada kismaayo ka socda aad uga xun yihiin,waxaana uu sheegey inuu magaalada kismaayo ku sugan yahay isagoo beeninaya hadalka soo yeeray Kooxda Raaskambooni,waxaana uu shaaciyey in warkaasi yahay mid been abuur ah.

Dhinaca kale waxa uu Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi sheegey inay wadaan dadaal ah sidii dagaaladaasi loo joojin laha,waxaana uu sheegey inay arrimahaasi u kaashanayaan waxgaradka magaalada kismaayo & taliska ciidamada Amisom si dhiiga shacabka soomaaliyeed loo badbaadin laha,waxaana uu sheegey inuu aad uga xun yahay in dad soomaaliyeed ku dagalaamaan magaalada kismaayo.

Waxaa kale oo uu wasiirku beeniyey in dawlada soomaaliya ku lug leedahay dagaalada magaalada kismaayo isagoo sheegey inaysan dawladu midna tageereyn kooxaha sheegayana Madaxweynnimada Jubbaland ,waxaana uu sheegey in dawlada doorkeedu yahay sidii dhiiga shacabka soomaaliyeed loo badbaadin lahaa.

Wasiirka ayaa ka jawaabeyey hadal ka soo yeerey Afhayeenka Jabhadda Raaskambooni Cabdinaasir Sareer kaasi oo ahaa in wasiirku u dhoofey magaalada Muqdisho,waxaana  wasiirku kaga jawabay hadalkasi inuu ku sugan yahay magaalada Kismaayo gaar ahaan huteelka uu ka deganaa ee Cas Caasey,waxaana uu meesha ka saarey inuu dib ugu dhoofay magaalada muqdisho.

Si kastey ahaataba waxaa hadalkan wasiirku imaanaya xilli ay kooxda Raaskambooni masuuliyintoodu ku eedeyeen inuu wasiirku dagaalkaasi ka dambeyey isla markaasna maanta uu dib ugu dhoofey magaalada Muqdisho. Dhinaca kale Xaalada Kismaayo ayaa ah mid degan walow ay jiraan xisado dagaal oo u dhexeya kooxihii dagaalamay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com