War Deg Deg Ah: Dagaalkii Kismaayo oo Xoogeystey Iyo Raaskambooni Oo Dib Loo Riixay

0

deg-deg21Kismaayo(AGGM) Dagaalkii magaalada Kismaayo ayaa wali socda waxaana uu muuqdaa in dagaalkaasi uu sii xoogeysnayo,Waxaana dagaalkaasi yahay mid ay labada dhinac isu adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan isla markaasna kooxaha dagaalamayaa isku bursanayaan wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Kismaayo.

Qayb ka mid ah ciidamadii Raaskambooni ee dhinaca xeebta ka soo wareeray  ayaa la sheegayaa in dagaalkaasi lagu jabiyey isla markaasna qaarkood nolosha lagu qabtey sida ay warbaahinta Allgalgaduud u sheegayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan xaafada Calanleey,waxaana ay sheegeen in hadda Xabadu ka fogaatey dhinaca calanley isla markaasna dib loo riixay ciidamadii Raaskambooni ee weerarka soo qaaday.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in ciidamadii Raaskambooni ee ka dagaalamayey xaafada VIA Afmadow halkaasi laga saarey isla markaasna dib ugu gurteen dhinaca Dekedda Magaalada Kismaayo,waxaana dagaalku u muuqdaa mid sii xoogeysanaya kooxaha dagaalamayaana ay ka helayaan gurmadyo iyo hub kala duwan,waxanaa labada dhinac ku loolamayaan inay gacan ku haynta magaalada kismaayo.

Dhinaca kale ciidamadii Amisom ee magaalada kismaayo ku sugnaa ayaa la sheegayaa inay dagaalkaasi kor ka fiirsanayaan isla markaasna ay doonayaan inay la shaqeeyaan kooxda ku awood roonata gacan ku haynta magaalada Kisamayo,mana jiraan cid isku hawshay inay dagaalkaasi qaboojiso.

Dhinac kale dhaawaca iyo dhimashada ayaa la sheegayaa inay aad u badan tahay isla markaasna ay isugu jiraan kooxaha dagaalamaya dad shacab ah,waxaana jira dhaawacyo ka badan 13 ruux oo hadda la geeyey isbitaalka wayn ee magaalada kismaayo halkaasi oo ay ka jirto daawo la,aan.

Wararka Ka Soo Kordha Kala Soco Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com