War Deg Deg Ah: Dagaal Ka Qarxay Waqooyiga Galkacayo

0

deg-deg21Garoowe (AGGM) Dagaal xoogan uu dhexeya Ciidamada Maamulka Puntland Iyo Maleeshiyo Beeleed ka soo jeeda Beesha Biciidyahan ayaa hadda ka socda Waqooyiga magaalada Galkacayo,waxana Dagaalkaasi salka ku hayaan dagaal dhawaan ka dhacay waqooyiga Galkacayo kaasi oo  u dhexeyey Laba Maleeshiyo beeleed balse hadda la sheegey in ciidamada Puntland oo ee magaalada galkacayo oo u badan hal qabiil inay la saftaan maleeshiyo ay isku beel yihiin.

Dagaalkan ayaa la sheegayaa inuu hadda ka socda dhinaca kantaroolka waqooyi,waxaana dagaalkaasi sababaay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh,waxaana la sheegayaa in dagaalkaasi ay ku dagaalamayan koox sheegtey inay tahay Maamulka Puntland iyo beesha Biciidyahan oo dhinac ah,waxaana dagaalku salka ku hayaa dhul laysku qabsadey.

Dhinaca kooxda sheeganeysa Inay Maamulka Puntland yihiin ayaa la sheegayaa inay dagaalkaasi u adeegsanayaan tikniko halka kuwa kale ay adeegsanaya qoryaha fudud,waxaana xaalada Galkacayo gaar ahaan dhinaca waqooyi tahay mid kacsan taasi oo laga cabsi qabo in gudaha magaalada ay laba maleeshiyo ku dagaalamaan inta dagaalku isku rago mid qabiil qabiil oo hadda u muuqda mid qabiil.

Ma jiraan cid ka tirsan maamulka Puntland oo ka hadashay dagaalkaasi,waxaana uu daba socdaa dagaal dhawr ruux ku dhinteen oo dhawaan ka dhacay magaalada galkacayo kaasi oo u dhexeya laba Maleeshiyo beeleed.waxaana dagaalkaasi sababay khasaare lixaad leh oo isgu jira dhimasho iyo dhaawac,waxaana hadda dagaalkaasi yahay mid wali socda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com