Jeneraal Caanood Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Hadal Al Shabaab Ka Soo Yeerey

0

caanood-620x330Muqdisho(AGGM)  Generaal Cabdilaahi Cali Caanood oo ah Taliyaha Guutada 1-aad ee ciidamada xoogga dalka soomaaliya ayaa maanta jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeeray sarkaal ka tirsan Falaagada Alshabaab kaasi oo ahaa inay shalay duleedka degmada Jowhar ku dileen lix askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Jeneraal Caanood oo hadalkaasi ka jawaabayey ayaa maanta la hadlay idaacadaha magaalada Muqdisho,waxaana uu daboolka ka qaaday inay jiraan askar ciidamada dawlada laga diley isagoo ku tilmaamay in tiradda askartaasi ahayd 3 askari oo uu sheegey inay Shabaabku si kedis ah ku dileen,waxaana uu beeniyey inay dileen 7 askario oo ciidamada xoogga ka tirsan.

Sidoo kale waxaa uu sheegey Jeneraal Cabdilaahi Cali Canood in shabaabku 3 daasi askari si dhuumasho ah ku dileen isla markaasna ay baxsadeen,waxaana uu shaaciyey inaysan jirin awood ciidan oo alshabaab ku leedahay gobolka Shabeelaha dhexe isagoo ku eedeyey inay weeraro dhumaalaysi ah ku soo qaadaan meelaha shacabka iyo ciidamadu degan yihiin.

Jeneraal Caanood waxaa uu sheegey in 3 da askari ee la dilay ay ka mid ahaayeen 5 askari oo sahan ahaa kuwaasi oo ay is haleeleen ciidamo ka tirsan Shabaab oo gaari la socday,waxaana uu sheegey in shabaabku ka badnayeen  5-ta askari isla markaasna ay dileen 3 ka mid ah halka ay dhaawaceen mid kale,isla markaasna uu mid ka badbaaday,waxaana uu sheegey in shabaab dhinacooda ka dhintey 1 askari halka tiro kalena ka dhaawacantey.

Sidoo kale Jeneraal Caanood waxaa uu sheegey inay dabagal ku sameeyeen ciidamadaasi Shabaabka ah waaxaana uu sheegey inay u carareen dhinaca gobolka Hiiraan isagoo ku hanjabay inay meel kasta oo ay tagaan kaag daba tagi doonaan isla markaasna gacan ku soo qaban doonaan.

Ugu dambeyntii waxaa hadalkani imaanayaa xilli Alshabaab isla duleedka magaalada jowhar ku dileen dad shacab ah maalinnimadii shalay kuwaasi oo tiradooda lagu sheegey 7 ruux isla markaasna beereley ahaa.  Wali waxaa nawaaxiga magaalada jowhar ku hardamaya ciidamada dawlada iyo kuwa Alshabaab oo weerar gaadmo ah ku soo qaada farisimaha ciidamada dawlada federaalka ah ee duleedada magaalada jowhar.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com