Alshabaab Oo Saqdii Dhexe Ee Xalay Madaafiic Ku Weeraray Garoonka Diyaaradaha Kismaayo

0

362Kismaayo(AGGM) Kooxda Alshabaab ayaa xalay saqdii dhexe waxay madaafiic ku garaceen garoonka diyaaradaha magaalada kismaayo halkaasi oo farisiin u ah ciidamada Amisom  gaar ahaan kuwa dawldaa kiiniya iyo kuwa Jabhadda Raaskambooni,waxaana la sheegey in madaafiicdaasi ku soo dhaceen gudaha garoonka.

Sidoo kale ciidamada Kiiniya ee ku sugan garoonka diyaaradaha ayaa la sheegayaa inay madaafici kaga jawaabeen isla markaasna ku tuureen degaanadii Alshabaaab madaafiicda ka soo tuurayeen madaafiic xoogan, Alshabaab ayaa caado ka dhigtay inay weeraro madaafiic ah oo joogto ah ku qaadaan garoonka diyaaradaha.

Dhinaca kale waxa la sheegayaa in kooxda Alshabaab fariisimo ciidan ku leeyihiin duleedka kismaayo halkaasi oo aan ka fogeyn magaalada kismaayo isla markaasna ay ka soo qaadaan weeraada ku dhufo ka dhaqaaqda ah,waxaan la sheegayaa in madaafiicda Alshabaab xalay ku tuureen garoonka diyaaradaha kismaayo khasaare ka dhashay inkastoo aan la ogeyn inta khasaarahaasi leeg yahay.

Illo wareedyo ku dhaw dhaw Masuuliyin ka shaqeysa garoonka ayaa sheegayaa in weerarkaasi ay xalay ku dhaawacmeen 8 askari oo isugu jira soomaali iyo Kiiniyaanti,waxaana wararku sheegayaan in saaka loo duuliyey magaalada Nairobi halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu soo daawaynayo.

Ugu dambeyntii ma jiraan wax wara oo wali ka soo baxay taliska ciidamada kiiniya ee ku sugan magaalada kismaayo isla markaasan ku aadan weerarkaasi xalay Alshabaab la soo beegsadeen gudaha garoonka diyaaradaha magaalada kismaayo halkaasi oo la sheegayo inuu ka dhashay khasaare ciidamada kiniya soo gaarey iyo kuwa soomaalida ah ee la socda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

allgalgaduud@gmail.com