Dib U Habeyn Lagu Sameeyey Ciidamada Xoogga Dalka Ee Gobolada Gedo,Bay Iyo Bakool Oo Soo Dhamaaday

0

askarGarbahaaray(AGGM)  Qorshe dib u habeyn loogu sameynayay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobollada Baay, Bakool iyo Gedo ayaa soo gebageboobay, ayadoo Ciidammaduna ay hada u diyaarsanyihiin iney gobolladaasi si buuxda uga sifeeyaan haraadiga argigixisada Al-Shabaab.

Qorshahan dib u habeynta loogu sameynayay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobollada Baay, Bakool iyo Gedo ayaa waxa uu soo socday mudo bil ah,  ayadoo fulinta qorshahanna ay Wasaaradda Gaashaandhiggu u xilsaartay saraakiil ka tirsan Ciidammada Xooogga Dalka.

Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Ibraahin Yaroow oo isaga oo ku sugan magaalada Baydhabo wareysi siiyey Saxafadda ayaa sheegay in qorshahan dib u habeynta ah ee lagu sameynayey Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobollada Koonfur Galbeed uu u hirgalay si wanaagsan.

General Ibraahin Yaroow Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in Ciidammadan ay hada u diyaarsanyihiin sidii ay gobollada Baay, Bakool iyo Gedo uga xoreyn lahaayeen  Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab,  waxaana uu dhanka kale ku ammaanay shacabka ku nool gobolladaasi sida ay Ciidammada ula shaqeeyaan.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howsha ugu culus ee ay ka sugayaan shacbiga Soomaaliyeed waxey tahay in guud ahaanba geyiga Soomaaliya ay ka dhigaan goob ka caaggan argigixisada,  ayadoo intii badneyd gobolladii ay gacanta ku hayeen Maleeshiyaadka Al-Shabaabna ay Ciidammadu horey uga xoreeyeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com