Axmed Madoobe Oo Kismaayo Ku Laabtey Ka Dib Su,aallo Nairobi Lagu Soo Waydiyey,Saakana Kulan La Leh Kooxdiisa

0

17921Kismaayo(AGGM) Gudaha magaalada Kismaayo waxa xalay dib ugu soo laabtey Horjoogaha Kooxda Raaskambooni Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay u duulay Magaalada Nairobi isla markaasna kulamo la soo qaatey Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Yemen Iyo Kuwa Mareynkanka kuwaasi oo su,aalo ka waydiinayey dooni hub siday oo rag isaga la shaqeyaa u direen dalka Yemen.

Wararka Allgalgaduud ka heleyso illo ku dhaw dhaw Madaxda la shaqeysa Axmed madoobe ayaa sheegayaa in Shalay Sirdoonka wadamada Yemen Iyo Mareykanku Axmed Madoobe su,aalo ku soo waydiiyeen Safaarada Mareykanka ee Magaalada Nairobi Isla markaasna tuseen cadeymo muujinaya in doonidaasi ay direen rag ka tirsan kooxdiisa Raaskambooni isla markaasna uu cadeeyo doonidaasi ragga direy inay isaga la shaqeeyaan iyo in kale.

Sirdoonka wadamadaasi ayaa sidoo kale la sheegey inay tuseen sawiro ay ka mid yihiin sarkaal ka tirsan Jabhadda Raaskambooni oo lagu magacaabo Shiikh Isxaaq oo hore Alshabaab uga tirsanaan jirey iyo rag kale oo magacyadooda doonidaasi dhawaan ka xiratay xeebaha dalka Yemen laga helay,waxaana la sheegey inuu Axmed Madoobe codsaday in waqti la siiyo uu arrimahasi kaga soo jawaabo.

Diyaarad ay leeyihiin ciidamada dawlada Mareykanka ayaa la sheegey inay Axmed Madoobe isla xalay ku soo celisay magaalada Kismaayo isla markaasna waxaa uu saaka bilaabay kulamo muhiim ah uu la yeelanayo Saraakisha ciidamadiisa maamusha iyo raggi dawladaha Mareynkana iyo Yemen ku eedeyeen inay doonidaasi direen,waxaana la sheegayaa in kulankaasi hadda ka socdo garoonka diyaaradaha magaalada kismaayo halkaasi oo ay goob joog ka yihiin saraakiil Kiniyaan ahi.

Kulankan ayaa la sheegayaa inuu qayb ka yahay Ninka sirdoonka labadaasi dal ku eedeyeen inay magaciisa iyo sawiirkiisa ka heleen doonidaasi,waxaana la sheegayaa inay sidoo kale kulankaasi goob joog ka yihiin rag ay ka mid yihiin rag magacyadooda dawlada mareykanku waydiisay Axmed Madoobe shalay kuwaasi oo hore uga tirsanaan jirey Alshabaab hadana ka mid ah Kooxda Raaskambooni.

Kulankan hadda socda ayaa ah mid loo diiday saxafadda waxaana lagu wadaa inuu Axmed Madoobe su,aalihi Sirdoonka dawladaha Yemen Iyo Mareynkanku soo waydiiyeen uu isna waydiiyo saraakisha la shaqeysan iyadoo kulankaasi ay goob joog ka yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada dawlada Kiiniya ee ku sugan magaalada kismaayo.

Shiikh Axmed Madoobe ayaa u muuqda nin aan loo jid bixineyn isla markaasna ay marba mawjad cusubi ku soo furmeyso iyadoo maamulkii uu dhawaan ku dhawaaqay lagu tilmaamay waxba kama jiraan taasi oo ay ku dhawaaqeen dawladaha IGAD iyo dawlada soomaaliya oo sheegtey inaysan aqoonsaneyn maamuladda kismaayo looga dhawaaqay.

Lama yaqaan kulankaasi wax ka soo bixi doona taasi oo laga yaabo inay kala qaybiso kooxda Raaskambooni oo awalba qayb ka mid ahi ka soo goosteen Alshabaab isla markaasna waxaa laga cabsi qabaa in hadii kulankaasi maanta lagu heshiin waayo inay u kala jabaan laga dhinac oo kala ah dhinacii Axmed Madoobe ee Xisbul Islaam iyo Dhinacii Alshabaab ka soo goostey ee ku biirey Raaskambooni isla markaasna ay la la wada baxeen Magaca Jahmadda Raaskamabooniyiinta.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com