QM Oo Tageereysa Qorshaha Dib Loogu Dejinayo Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Xeryaha Kiiniya Ku Sugan

0

ban-ki_moon_2354611bNairobi (AGGM) Qaramada Midoobay ayaa balan qaaday inay dowlada Kenya ka taageeri doonto dadaalka ay ku dooneyso inay dib u celiso qaxootiga soomaalida ah,ka dib markii ay ku adkaaday mati galintooda. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon oo ka hadlayay Xafiiska UNka oo ku yaala magaalada Yokahamaee dalka Japan  intii uu socday kulan uu la qaatay la qaatay madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay taageeri doonto dadaalka lagu doonayo in dib loogu dajiyo qaxootiga soomaaliyeed ee mudada ku noolaa xeryaha qaxootiga ee Kenya.

 

Ban Ki-Moon ayaa sheegay in beesha caalamka ay taageeri doonaan qorshaha dowlada Kenya ee ah dib u dajinta in ka badan 600,000 oo qaxooti soomaali ah oo in mudda ah ku noolaa xeryaha qaxootiga ah ee ku yaala waqooyi bari Kenya. Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa shirka ka sheegay in bisha September lagu qaban doono magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya shir looga hadlayo qaabka ugu haboon ee dib loogu dajin karo qaxootiga soomaalida ah.

Ruto Ayaa Yiri “Waxaan rabnaa in qaxootiga soomaalida ah ay dalkooda ku laabtaan iyaga oo nabad ah,waana soo dhaweeyn doonaa taageerada Qaramada Midoobay ee arrintan,waxaan arrinta dib u dajinta kala hadalnay hay,adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR”.

 

Ruto ayaa sheegay in loo baahanyahay in la xaliyo oo muhiimad la siiyo dhibaatada ka taagan qaxootiga soomaalida ah,si loo xaqiijiyo in wadamada geeska afrika ay helaan nabad waarta.

 

Ban Moon Waxa Uu Yiri “Markii aan booqday xerada qaxootiga ee Dhadhaab sanadkii hore,waxaan ku soo arkay xaalad aad u murugo leh,xeradaasi waxaa ay hooy u tahay 600,000 oo qof waana is dul saaranyihiin dadkaasi,dadka ku nool xeradasi oo kaliya waxa ay ka badanyihiin dadka ku nool qaar ka mid ah wadamada caalamka,”

 

Ban Moon Waxaa uu raciyey  “Waxaan dareemayay in Kenya ay wajaheysay culeeys badan,waana u cadeeyay madaxweynihii hore deganasha la,aanta waqtigaasi ka jirtay soomaaliya,

 

Mr Ruto ayaa ka mahad celiyay xafisyada Qaramada Midoobay ee ka guuraya Nairobi,isagoo sheegay in qaarada afrika ay aad u soo dhaweynayaan talabadan,waxana loo baahanyahay in dowlada soomaaliya ay xaqiijiso amaanka shaqaalaha Qaramada Midoobay,oo ay ku shaqeeyaan deegaana amaan ah.

 

Ugu dambeyntii Ruto ayaa sheegay in dowladiisa ay ka go,antahay gacan ka geysashada dadaalka nabadeed ka socda soomaaliya. Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay dooneeyso taageerada Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka si loo xaqiijiyo in nabad waarta ay ka dhalato soomaaliya dibna loo dajiyo qaxootiga soomaalida ah.

Isha Ku hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com