Mid Ka Mid Ah Shaqaalaha Dekedda Muqdisho Oo Xalay La Dilay

0

ToogashoMuqdishoi(AGGM) Xalay fiidkii waxaa gudaha magaalada Muqdisho lagu toogtey mid ka mid ah shaqaalaha dekadda magaalada Kismaayo,waxaana dilkaasi la sheegey inay fuliyeen kooxo ku hubeysnaa Bistoolado,waxaana la sheegey in kooxahaasi  dilkaasi ka dib baxsadeen.

Marxuumkan ayaa lagu tilmaamay inuu ka mid ahaa dadka  xamaaliniinta ah ee ka shaqeysta dekadda magaalada muqdisho,waxaana arrintaasi la sheegey inay ku lug leedahay arrimaha dagaalka ah ee ay Alshabaab ku ugaarsanayaan cid kasta oo ka shaqeyneysa meelaha dawladu maamusho.

Marxuumkan ayaa la sheegey inuu ka mid ahaa dadka degan xaafada Aabo Gaabo ee degmadda Dharkeynleey,waxaana la sheegayaa inuu ninkaasi ahaa nin xaas iyo caruur badan isla markaasna u xamaasha caruurtiisa,waxaana la sheegayaa in dilkiisa dadka degaanku aad uga xumaadeen maadama uu ahaa nin iska xamaasha isla markaasna ka mid ah dadka sida caadiga ah ugu nool magaalada muqdisho oo aan midna ka tirsanneyn kooxaha ku hardamaya magaalada muqdisho.

Si kastey ahaataba ciidamada dawlada soomaaliyaa soo gaarey meesha dilkaasi ka dhacay,waxaana la sheegaya inay baaritano ka sameyeen degaanadaasi inkastoo aysan u suuro galin inay gacanta ku soo dhigaan kooxihi dilkaasi ka dambeeyey,waxaana looga shaki qabaan inay dilkaasi fuliyeen kooxda Alshabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com