Madaxweynaha Somalia oo kulamo la qaatay Madaxda FAO iyo UNEP (Sawiro)

0
IMG_9090Yokohama(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta u mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe iyadoo maanta shirkii TICAD V lagu soo gabogabeeyey Yokohama.
Madaxweynaha Somalia ayaa si kal iyo laab ah ugu mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Japan sida quruxda badan ee wafdiga madaxweynaha loogu soo dhoweeyey dalka Japan iyo sida uu doorka hoggaamineed u qaatay inuu garab istaago Somalia.
Madaxweynaha ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxda FAO iyo UNEP. Madaxweynaha iyo Agaasimaha Guud ee FAO Dr Jose Grazvano Da Silva ayaa ka wada hadlay sidii FAO ay mashaariic horumarineed uga fulin laheyd Soomaaliya oo ay doorka dib u dhiska iyo horumarka dalka uga qeyb qaadan laheyd. Agaasimaha Guud ayaa sheegay in hay’ada FAO ay u soo guureyso Muqdisho isla markaana laba jibaareyso howlaha ay ka waday Somalia.
Sidoo kale kulankii uu madaxweynaha la yeeshay Agaasimaha Guud ee hay’ada UNEP ee QM u qaabilsan arrimaha deegaanka ayaa madaxweynahu waxuu ka codsady hay’addan inay shacabka Soomaaliyeed ka saacido xaalufinta dhirta iyo deegaanka, gaar ahaan dhuxusha la dhoofiyo oo uu madaxweynaha sheegay inay sharci darro tahay isla markaana ay wax u dhimeyso deegaanka dalka.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay isla maanta ka soo dhoofaan dalka Japan oo arrimihii ay u yimaadeen ku dhamaaday si guul ah.
IMG_9192IMG_9168IMG_9177IMG_9165IMG_9164
– DHAMAAD – 
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson
Office of the President
Federal Republic of Somalia