Fadeexad: Madaxweyne Faroole Oo Boorso Uu Watey Laga Helay 4 Malyan Oo Dollarka Mareykanka Iyo Sirdoonka Kiinya Oo La Wareegay Lacagtaasi

0

faroole-iyo-wiilkiisaNairobi( AGGM) Madaxweynaha Maamulka Gobolleedka Soomaaliyeed Ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo maalmahan ku sugnaa magaalada Nairobi ee wadanka Kiiniya ayaa la sheegey inay saaka ciidamada sirdoonka wadanka Kiiniya galeen huteelka uu ka degaana magaalada Nairobi,waxaana la sheegey inay ciidamada sirdoonka  wadanka Kiiniya qolkii uu degaanaa ka heleen Boorso nooca gacanta ah oo ay ku jirtey lacag badan.

Ciidamada sirdoonka ee huteelkiisa galay ayaa la sheegey in warbixintaasi la soo siiyey isla markaasna hore u abaareen boorsada lacagtu ku jirtaa meeshi ay taalay iyagoo ka codsaday inay baaraan boorsadaasi Dr Cabdiraxman Maxamed Faroole,waxaana la sheegey dood dheer ka dib inuu ogolaaday in la baaro boorsadaasi,waxaana la sheegey in lagu arkay lacag dhan 4 Milyan oo dollarka mareynkanka ah,waxaana la sheegey in ciidamada sirdoonka dalka kiiniya lacagtaasi la wareegeen.

Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa la sheegey inuu ku dooday inuu lacagtaasi ku shubto Bangi dawlada kiiniya leedahay isla markaasna hawlo dib u dhis ah loogu sameeyo degaanada Puntland,waxaana la sheegey inuu Madaxweyne Faroole ku dooday inaysan degaanada Puntland lahayn BANK lacag intaasi leeg lagu xawilo si loogu shubo Akoonnada Bangiyadda Calamiga ah,waxaana la sheegey inuu Lacagtaasi doonayey inuu ku Shubto KENYA COMMERCIAL BANK laantiisa Nairobi.

Ciidamada sirdoonka ayaa la sheegaya inay lacagtaasi gacanta ku hayaan isla markaasna ay arrinu gaartey madaxda sarsare ee dalka Kiiniya,waxaana la sheegayaa in wali arrintaasi lagu mashquulsan hayay,walow aan la ogeyn in lacagtaasi loo soo celin doono Madaxweyne Faroole.

Fadeexadan ayaa qayb ka ah arrimahaasi xasaasiga ah ee ka taagan degaanada Puntland,waxaana la sheegayaa inuu dhaqaalaha intaasi leeg Madaxweyne Faroole ka soo qaaday dekedda Magaalada Bosaaso,waxaana la sheegey inuu ujeedada uu yimi magaalada Nairobi ay tahay inuu dhaqaalaha intaasi leeg ku shubto Bangiyadda Calamiga ah,maadama uu waqtigiisa Madaxweynenimo uu ka haray wax ka yar hal sano.

Arrintan ayaa caado ka ah Maamulada Soomaaliya ka jira,waxaana sanadkii hiore dhamaadkiisii Garoonka Nairobi lagu qabtay sidoo kale Xaaska Madaxweyne Silaanyo  iyadoo boorso ku wada lacag dhan 3 Milyan oo dollarka mareynkanka ah,waxaana la sheegey in lacagtaasi dib loogu celiyey isla markaasna laga qaaday laaluush badan loona ogolaaday inay dib ula duusho oo aysan gudaha ula gelin magaalada nairobi iyadoo rabtay inay lacagtaasi ku xawisho BAANAN ku yaala dalka Britain balse diyaarad dib loo soo saaray ka dib markii laaluush badan laga qaateyn.

Si kastay ahaataba Socdaalka Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa la sheegayaa inuu ahaa sidii uu dhaqalaah intaasi leeg ugu xawili laha BAANAN calami ah si ay ugu dhacdo ACCOUNT kiisa,waxaana la sheegayaa in lacagta intaasi leeg ay u gacan gashay ciidamadda sirdoonka dalka kiiniya oo aan la ogeyn inay dib u soo celin doonaan iyo in kale walow madaxda sar sare ee dawlada kiiniya arrimahaasi gaareen oo lagu wado inay soo farro gashadaan.

Xasan Bulaale Faarax

Nairobi,Kiiniya

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com