Ciidamo Ka Socda Wadanka Siiraliyoon Oo Maanta Ka Degey Garoonka Diyaaradaha Kismaayo

0

ugandan-africa-union-au-peacekeepers-patrol-the-international-sea-port-in-mogadishuKismaayo(AGGM) Ciidamo ka socda dawlada wadanka Siiraliyoon isla markaasna qayb ka ah ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom ayaa maanta markii ugu horeysay ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada kismaayo,waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey ciidamada dawlada Kiiniya ee qaybta ka ah ciidamada Amisom ku sugan dalka soomaaliya.

Ciidamadan ayaa soo cago dhigtey abaara 11:00 barqanimo ee maanta garoonka diyaaradaha ee Axmed Gurey ee magaalada kismaayo,waxaana ciidamadani isla maanta la dejiyey gudaha magaalada kismaayo halkaasi oo ay ka bilaabayaan hawlahooda shaqo ee alagu xaqiijinayo amaanka magaalada kismaayo.

Ciidamada maanta gaarey garoonka kismaayo ayaa la sheegey inay qayb ka yihiin ciidamo tiradooda lagu sheegey 2 kun oo askari kuwaasi oo magaalada kismaayo la geyn doono,waxaana lagu wadaa in ciidamadaasi isku fidiyaan guud ahaan gobollada jubooyinka iyo gedo halkaasi oo ay ka bilaabi doonaan hawlahooda shaqo.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dawlada soomaaliya ee ku sugan magaalada kismaayo ayaa warbaahinta Allgalgaduud u sheegey in ciidamadaasi hadda ku sugan yihiin gudaha magaalada kismaayo isla markaasna ciidamada dawlada soomaaliya ku soo dhaweyeen gudaha magaalada kismaayo,waxaana uu sheegey inay wada shaqeyn wanaagsan ka dhexeyn doonto labadooda dhinac.

Si kastey ahaataba waxaa lagu wadaa in ciidamadaasi intooda badan lagu wareejiyo dekadda iyo garoonka diyaaaradaha magaalada kismaayo halkaasi oo ay dawladu dhawaan u soo magacaabi doonto maamul ku meel gaar ah inta laga soo dhisayo maamul buuxa oo gobollada jubooyinka iyo gedo ku mideysan yihiin.

Salebaan Cabdi Yuusuf

Kismaayo,Jubadda Hoose

Allgalgaduud@gmail.com