Soo Dhaweynta Prof Samatar Oo Maanta Ka Socota Magaalada Hargeysa

0

Axmed-Ismaaciil-SamatarHargeysa (AGGM) Qaban Qaabo xoog leh oo lagu soo dhoweynayo siyaasiga Prof Axed Ismaaciil Samatar ayaa waxaa ay ka socotaa magaalada Hargeysa oo uu maanta tegayo halkaas oo lagu arkayo kumanaan ruux oo wata sawiradda Prof Axmed Ismaaciil Samatar,waxaana dadku hadda tuman yihiin garoonka diyaaradaha Cigaal International.

Qaban Qaabada soo dhoweynta Prof Samatar ayaa waxaa guddi heer qaran ah u saartay maamulka Somaliland. Wasiirka Kalluumeysiga maamulka Somaliland C/laahi Jaamac Cismaan ayaa xaqiijiyay in maamulka Somaliland uu soo dhoweynayo siyaasiga Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo guddoomiye ka ah xisbiga Hiil-Qaran.

Dr. Axmed Ismaaciil Samatar oo ah siyaasi kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya muddo dheerna kasoo horjeeday in Somaliland ka go’odo dalka intiisa kale.

Dhowaan ayuu Prof Axmed Ismaaciil Samatar iska casilay xubinimada baarlamaanka federalka Soomaaliyeed, waxana uu ka mid ahaa musharixiinta madaxtiniada ee sanadkii hore uu ku guuleystay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Hore ayaa siyaasiyiin ka soo jeeda gobolada Waqooyi ee dalka waxa ay ku biireen maamulka Somaliland marka ay xilal ka waayeen dowlada.

Si Kasteey ahaataaba waxaa Axmed ismaaciil Samatar ka mid ahaa raggi aad uga soo horjeeday Maamulka somaliland,waxaana hadda muuqata inuu u degel rogtey dhinaca siyaasadda Somaliland,waxaana wararku sheegayaan inu bu biiri doono xisbi ka mid ah xisbiyada somaliland.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com