Madaxweynaha Somalia oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (Sawiro)

0

IMG_9029Yokohama (AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta kula kulmay Yokohama Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon. Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Ergeyga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM Nick Kay oo maalinta berry ah booqanaya Muqdisho si uu howshiisa cusub u bilaabo, arrimaha amniga, iyo sidii QM ay kaalin hoggaamineed uga qaadan laheyd dib-u-dhiska dalka.

Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-Moon ayaa ammaanay dadaalka iyo horumarka Soomaaliya waxuuna sheegay in QM ay kaalmo buuxda la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna uga mahadceliyey Madaxweynaha saxiixii ay Soomaaliya saxiixday heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga hubka Sunta ah. XG ee QM ayaa sheegay in Ergeyga cusub ee Soomaaliya ka howlgalaya laga bilaabo berri inuu la imaan doono isbedel buuxa oo dhammaan hay’adaha QM ay u soo guuri doonaan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa isagana u mahadceliyey XG ee QM Ban Ki-Moon doorka weyn ee QM iyo sida Dowladda Soomaaliya loogala tashaday magacaabista mas’uuliyiinta sar sare ee QM ee ka howlgalaya Soomaaliya. Madaxwweynaha ayaa sheegey in dowladdu ay diyaarisay qorsheyaashii xasilinta dalka oo uu sheegey inay muhiim tahay in Dowladdu ay dejiso sharciyaddii lagu dhisi lahaa maamulada dalka si loo helo maamul wanaag sal sharciyadeedna leh kaasoo kalsooni siin kara shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa ka codsaday QM inay door fiican ka qaadato sidii Soomaaliya hay’adaheeda dib loogu dhisi lahaa oo loo heli lahaa hay’ado tayeysan oo u adeega danaha shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo la kulmay Hon Noriko Shirasu oo ka tirsan baarlamaanka Japan isla markaana la hadlay shacabka Japan

Isla maanta 02da June ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxuu kulan la qaatay Hon Noriko Shirasu oo ah xubin baarlamaanka Japan una qaabilsan xiriirka Africa. Labadan mas’uul ayaa ka wada qeybgalay xaflad oo ay la wada hadleen dadkii Japanese ka ee ka soo qeybgalay.

Madaxweynaha ayaa shacabka Japan siiyey warbixin kooban ee xaaladda Somalia, sheegeyna in maanta uu jiro rajo iyo horumar oo Somalia ay cagaheeda isu taagtay. Madaxweynaha ayaa sheegey inuu ku faraxsanyahay inuu yimaado Japan oo uu la kulmo Ra’iisul Wasaare Shinzo Abe isla markaana xiriirkii Japan iyo Somalia dib loo cusbooneysiiyey. Madaxweynahu waxuu sheegay in Somalia ay rajo weyn ka qabto in Japan ay wax kala qabato sidii dalka dib loogu dhisi lahaa.

Hon Noriko Shirasu ayaa isagana uga mahadceliyey Madaxweynaha Somalia booqashadiisa uu ku yimid Japan, isla markaana sheegey in dowladda Japan ay sii xoojineyso xiriirka labada dal iyo sidii Soomaaliya looga saacidi lahaa dib u dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Japan ayaa ballan qaad u sameeyey madaxweynaha Somalia in shaqalaha sar-sare ee Somalia ay tababar u imaan doonaan dalka Japan si loo kordhiyo xirfadahooda iyo waayo aragnimadooda iyo in Japan ay si toos ah mucaawanada u siin doonto dowladda Soomaaliya.

IMG_9029IMG_9037IMG_8984IMG_8970IMG_9014IMG_9017

DHAMAAD

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

–Senior Advisor & Spokesperson – Office of the President