Madaxweynaha Somalia oo la kulmay Guddoomiyaha JICA (Sawiro)

0

Akihiko TANAKAYokohama (AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Akihiko TANAKA oo ah Guddoomiyaha Hay’ada Xiriirka Caalamiga ee Japan (Japan Internatioanal Cooperation Agency (JICA)). Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay go’aankii Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe ee ahaa in Somalia si toos ah kaalmada Japan loo siinayo Dowladda iyo mashaariicda horumarineed ee Somalia u baahantahay.

Mr Tanaka ayaa marka hore uga mahadceliyey Madaxweynaha Somalia booqadiisha dalka Japan iyo ka qeybgalka shirka TICAD V oo maalmahan ka socda magaalada Yokohama ee Japan iyo horumarka Somalia ay maanta ka gaartay dhanka siyaasadda amniga iyo xasilinta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa isna sidoo kale u mahadceliyey marti-gelinta Japan ay u fidisay iyo hoggaanka saliimka ah ee ay ka qaadatay arrimaha Soomaaliya. Madaxweynaha Somalia ayaa sidoo kale uga mahadceliyey dowladda Japan gaar ahaan Ra’iisul Wasaare Abi go’aankiisa ahaa in xiriirka Japan iyo Somalia dib loo soo nooleeyey oo Japan ay si toos ah ula mucaamileyso Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa warbixin kooban siiyey Guddoomiyaha JICA ee ku wajahan xaaladda dalka gaar ahaan mashaariicda shacabka Soomaaliyeed ay sida deg-dega ah ugu baahanyihiin si horumarka ka bilowday Somalia loo sii ambaqaado. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay u baahan yihiin tababaro xirfadooda shaqo siyaadisa isla markaana nolol u abuurta iyo mashaariicda dib u dhiska oo iyagana shaqo abuuris u sameyn kara shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii Guddoomiyaha JICA ayaa ballanqaaday in iskaashi toos ah oo xagga mashaariicda ay la sameynayaa dowladda Federaalka Soomaaliyeed, in tababaro shaqaalaha dowladda ee dhanka maamulka iyo maareynta la siin doono, in dhismaha macadyada tababarka farsamada la hirgelin doono iyo in dib u dhismaha iskuulada, Isbitaalada, waddooyinka iyo kanaalada beeraha intaba laga hirgelin doono Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale maanta kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxweynaha South Afrika oo uu kala hadlay xiriirka labada dal, iyo sidii Soomaalida degen South Africa ay ammaankooda loo kafaalo qaadi lahaa.

Madaxweynahu waxuu kaloo la kulmay mas’uuliyiin ka socotay Midowga Yurub oo uu kala hadlay Shirka Brussels ka dhici doono 16ka September 2013. Sidoo kale Mas’uuliyiin ka socotay hay’adaha Japan ayuu madaxweynahu la kulmay.

A TANAKAA TANAKA1Akihiko TANAKAIMG_9048IMG_9052IMG_9071IMG_9077IMG_9090IMG_9092

          DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

Senior Advisor & Spokesperson

Office of the President of Somalia