Dowladda Sacuudiga Oo Dowladda Soomaaliya Ugu Deeqday 20 Milyan Oo Doollar.

0

Saudi_Arabia_flagRiyadh (AGGM): Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa Soomaaliya shalay  u balanqaaday in ay siin doonto dhaqaale gargaarah oo gaaraya 20 milyan oo dollar taasi oo wax looga qabanayo dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya, dhaqalahan ayaa lagu fulin doonaa mashruucyo badan waxa dhaqaalahan wax ka bixiyay Ururka Iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyo (OIC), Kaasi oo gacan weyn ka geysanaya sidii Soomaaliya dib ugu hanan laheyd heykalkeedii dowladnimo sida lagu sheegay warka.

Mashruucyada dhaqaalahan lagu bixin doona ayaa laga fulin doonaan dhamaan gobolada dalka waxaa qeybaha lafilayo in wax looga qabto ka mid ah wabarashada, caafimaadka, beeraha iyo arrimo kale sida qorshuhu yahay, ku dhawaad 500,000 oo ruux ayaa la sheegay inay ka faa’ideysanayaan gargaarkan lacageed ee ay bixineyso dowladda Sacuudigu, waxaana gargaarkan wajigiisa koowaad laga fulinayaa Magaalada Muqdisho ee caasimadda  dalka Soomaaliya sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ururka Iskaashiga Islaamka.

Dhanka kale dowladda Sucuudiga ayaa tilmaamtay in ay sii laba jibaareyso taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya ee hada dalka ka jirta si wax looga qabto baahiyaha dowladda ee dhinacyada Ammaanka iyo dib u dhiska hay,adaha dowladda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com