Xiisado Dagaal Oo Ka Jira Degmada Ceelbarde Ee GobolKa Bakool

0

KONICA MINOLTA DIGITAL CAMERAMuqdisho(AGGM) Degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa la sheegayaa inay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda isla markaasna u dhexeya ciidamada dawlada iyo kuwa Alshabaab oo degaanadaasi ku dagaalamay xalay,waxaana dagaalka xalay ahaa mid culus oo khasaare labada dhinac ka soo kala gareen.

Sarkaal u hadlay ciidamada dawladda ee degmada Ceelberde ayaa daboolka ka qaadey in ciidamadoodu iska difaaceen weerar uga yimid Alshabaab isla markaasna waxaa uu sheegey inay dib ugu celiyeen meeshii ay ka soo duleen isagoo sheegey inay gudaha magaalada ku soo qaadeen weerar gaadmo ah.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in ciidamada dawladu ay doonayaan inay weeraraan degaano lagu tuhunsan yahay inay Alshabaab ka soo abaabulaan weerarada Alshabaab ku soo qadaan gudaha degmada Ceelbarde,waxaana ciidamada dawladau wadan dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan inay weeraraan farisimaha Alshabaab ee degaanadaasi ku yaala.

Sidoo kale sarkaal u hadlay Alshabaab ayaa isna dhinaciisa sheegey inay ciidamadoodu xalay gudaha u galeen degmada Ceelbarde isla markaasna ay khasaare soo gaarsiiyeen ciidamadii dawladda ee ay weerarka ku qaadeen waxaana uu sheegey inay dileen darsin ka tirsan ciidamada dawlada ee soomaaliya ee xalay halkaasi ku sugnaa.

Ugu dambeyntii xiisadahan dagaal ee halkaasi ka jira ayaa la shaacinaya inay cabsi dagaal ku rideen dadka shacab ee ku dhaqan degaanada hoos yimaada degmada Ceelbarde iyagoo ka cabsi qaba in dagaaladaasi khasaare lixaad leh ka soo gaaro maadama labada dhinac ee isku haya degaanadaasi aysan dan u ahayn shacabka oo ay ku dul dagaalamayaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com