Warbixin: Madaxweyne Faroole Oo Nairobi Kala Kulmay Canaan Iyo Waji Gabax

0

faroole1Nairobi(AGGM) Saacadihii la soo dhaafay waxaa gudaha magaalada nairobi ku sugnaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole,waxaana uu kulamo muhiim ah la lahaa madax ka tirsan dawlada wadanka Kiiniya oo isugu jirey Wasiiro iyo Xildhibaano,waxaana uu kala hadlayey xaalada arrimaha jubooyinka.

Kulankaasi oo xalay magaalada Nairobi isla markaasna looga hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaalada dalka soomaaliya ayaa lagu lafo gurey xaaladii u dambeysay ee gobollada Jubooyinka iyo dawlada soomaaliya,waxaana wararku shaaciyeen in Cabdiraxmaan Faroole kulamadaasi kala kulmay waji gabax isla markaasna masuuliyiintaasi kual taliyeen inuu faraha kala baxo arrimaha jubooyinka,waxaana ay si cad ugu sheegeen in arrintaasi u taalo dawladda soomaaliya.

Sidoo kale waxaa xildhibaanadan ku canaanteen inay hayaan warar sheegaya inuu Faroole magaalada kismaayo dhinaca badda ka soo galiyey hub isla markaasna uu tageerayo Axmed Madoobe iyo kooxdiisa,waxaana ay uga digeen inuusan faroole mar dambe arrimahaasi faraha la gelin isla markaasna dawladaha IGAD Iyo Midawga Afrika qallinka ku dugeen in dawlada soomaaliya looga dambeeyo arrimaha maamul u sameynta gobollada jubooyinka.

Dhinaca kale waxaa uu maanta galinkii hore kulan la qaatey xubno ka tirsana Wefti IGAD ee Kismaayo gaaray dhawaan,waxaana weftigaasi sheegeen in arrimihii jubooyinka lagfu wareejiyey dawlada soomaaliya isla markaasna waxyaabihi ay kala kulmeen magaalada kismaayo ay ahayeen kuwo aan faraha laga laaban karin isla markaasna u baahnaa in dawlada soomaaliya xal ka gaarto,waxaana ay si cad ugu sheegeen inay arrimahaasi masuuliyadeeda la wareegeen madaxda dawlada soomaaliya isla markaasna looga dambeynayo maamul u sameynta gobollada Jubooyinka.

Sidoo kale waxaa Madaxweyne Faroole Dawlada Kiiniya Iyo IGAD kala kulmay canaan ku aadan inuu dawlada soomaaliya la shaqeeyo isla markaasna uusan taagerin cid aan dawlada soomaaliya tageersaneyn,waxaana la sheegey inuu Faroole sheegey inuu hogaansami doono dawlada soomaaliya iyo qaabka maamul u sameynta gobolladda dalka.

Gebagabadii waxaa hadalkani imaanayaa xilli ay Madaxweynaha dawlada soomaaliya iyo madaxweynaha dalka Kiiniya qadar yar kulan muhiim ku qaateen garoonka diyaaradaha magalaada Nairobi iyadoo Cabdiraxmaan Faroole isna uu uu halkaasi gaarey cabaar ka dib iyadoo madaxweynaha soomaaliya kala hadlay Madaxweynaha kiiniya arrinta jubooyinka isla markasna u gudbiyey dacwad ka dhan ah  ciidamada kiiniya ee jooga Kismaayo kuwaasi oo xanibay masuuliyiin dawladda ka tirsan,taasi oo sababtey inay ciidamada kiiniya markiiba u hogaansamaan awaamiirta madaxweynahooda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com