Xildhibaan Ka Tirsan Somaliland Oo Xalay Nin Shacab Ku Dilay Hargeysa.

0

06052013153610Hargeysa(AGGM) Mudane ka tirsan goha degaanka Somaliland oo lagu magacabo Mustafe Cismaan daahir  ayaa la sheegey inuu xala si bareer ah gudaha magaalada Hargeysa ee caasimmada maamulka somaliland ugu toogtey  mid ka mid ah dhalinyaradda magaalada Hargeysa kaasi oo lagu magacaabi jirey Cabdirashiid Dheere,waxaana la sheegey inuu rasaas ku furey taasi oo sbabatey geerida marxuumkaasi.

Ciidamada booliska somaliland ayaa la sheegey inay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan Xildhibaanka dilka geystey,waxaana la sheegeyaa inuu hada ku xiran yahay xabsiga dhexe ee magaalada hargeysa halkaasi oo su,aalo lagu waydiinayo,waxaana uu daboolka  qaadey taliyaha saldhigaasi in wali ay socdaan su,aalaha la waydiinayo gacan ku dhiiglahaa.

Dilkan ayaa las heegey inuu salka ku hayey muran soo kala dhex galay Xildhibaanka iyo marxuumka uu dilay,waxaana la sheegey inay markii hore isu gacan qaadeen isla markaasna uu xildhibaanku doontey bistoolad taasi oo sababtey geerida marxumkaasi,waxaana dilka marxuumkaasi aad uga xumaaday shacabka magaalada hargeysa ku dhaqan.

Ugu dambeyntii waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda maxkamad  la hor keeno gacan ku dhiiglaha isla markaasna maxkamadaasi waxay ku xukunto xukun dil ah iyadoo ay inta badan maamulka Somaliland dil ku xukumaan cid kasta oo qof kale disha ,inkastoo marmarka qaarkood eheladda dadkaasi mag kala qataan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud.

Allgalgaduud@gmail.com