Warbixin: Dhaawaca Wariye Cabdulqaadir Jiijiile Oo Sahlan & Ninkii Dhaawacay Oo Ciidamada Dawladu Gacan Ku Dhigeen

0

kismayoKismaayo(AGGM) Wariye Cabdulqaadir Cabdirisaaq Jiijiile ayaa qadar 30 daqiiqo ka hor ah lagu dhaawacay gudaha magaalada kismaayo,waxaana dhaawaciisa ka dambeyey 3 nin oo labo ka mid ah ku hubeysnaayeen bistoolado,waxaana wariye Cabdulqaadir dhaawac aan sidaasi u culuseyn ka soo gaarey dhinaca daanka.

Wariye Cabdulqaadir ayaa la sheegey inuu iska difaacay weerarka nimankaasi ku soo qaadeen isla markaasna uu laftiisu ku hubeysnaa bistoolad,Wariyaha ayaa la sheegey inuu qadar 10 daqiiqo ku dhaw uu iska difaaceyey kooxda weerarka soo qaadey,waxaana la sheegey inay hal xabo oo bistaalood ah kala haleeleen daanka isla markaasna dhaawac aan culuseyni soo gaaray.

Intii wariyuhu isdifaacayey waxaa goobtaasi soo gaarey ciidamada dawlada soomaaliya oo ka ag dhawaa meesha weerarku ka dhacay oo ahayd Xaafada Farjano,waxaana la sheegey in ciidamadu gacanta ku soo dhigeen mid ka mid ah nimankii dhaawaca u geystey wariyaha,waxaana lagu qabtey bistooladii uu ku dhaawacay wariyaha.

Dhinaca kale ninkan ciidamada dawladu gacanta ku dhigeen ayaa ku dooday inuu bistoolada cidla ka heley isla markaasna uusan isagu wax lug ah ku lahayn dhaawaca wariyahaasi,waxaana xaalada wariyuhu tahay mid aad u degan isla markaasna waxa uu wariyuhu maalmahan cabasho ka muujineyey Hanjabaado uga imaanayey Maamulka Axmed madoobe gaar ahaan ninka lagu magacaabo Cabdinasir Maax Seerar oo ah gacan yaraha Axmed madoobe.

Kooxda Axmed Madoobe ayaa inta badan hanjabaad u geysta wariyeyaasha aan awaamiirtooda fulin isla markaasna ka soo horjeeda inay faafiyaan rabitankooda,waxaana talaabadaasi cadeyneysaa hanjabaadii maalmihi  la soo dhaafay Cabdinaasir Maax Seerar uu ugu hanjabay Wariye Cabdulqaadir inuu dilayo,taasi oo keentey inuu wariyuhu ka gashaanto weerar uga yimaada kooxda Axmed Madoobe caawana u muuqata inuu iska difaacay weerarkaasi.

Ugu dambeyntii Ninka dhaawacaasi loo hayo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ciidamada dawlada soomaaliya maxkamad soo taagi doonaan isla markaasna la hor keeni doono wariyaha uu dhaawacay, iyadoo dhaawaca wariyaha hadda lagu daawaynayo isbitaalka wayn ee magaalada kismaayo,isla markaasna xaaladisuhu tahay mid aad u wanaagsan oo aan khatar ku sugneyn.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com