Madaxweyne Xasan Shiikh Oo U Dhoofay Dalka Japan Shirna Kaga Qayb Galaya (Sawiro)

0

DSC019311Muqdisho(AGGM) Madaxweeynaha J.F soomaaliya iyo wafdi uu hogaamimayo ayaa u ambabaxay dalka Japan oo uu kaga qeeyb galayo shirka 5aad ee caalamiga ah ee hormarinta afrika. (TICAD) kaasi oo dhacaya wadanka Japan,waxaana looga hadli doonaa horumarinta Afrika.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa ayaa waxaa ka mid ah ra,iisulwasaare ku xigeeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo xubno kale. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka ku sii sagotiyay Gudoomiyaha baarlamaanka soomaliya,Ra,iisulwasaaraha Xukuumada soomaaliya,iyo xubno ka tirsan labada gole.

Afhayeenka Madaxtooyada soomaaliya Inj C/raxmaan Cumar Cimaan “Yariisow” ayaa sheegay in madaxweynaha soomaaliya uu casuumaad rasmi ah ka helay ra,iisul wasaaraha dalka Japan,isagoo sheegay in 31 bishan uu ka qeyb galayo madaxweeynaha soomaaliya shir gaar ah oo ay si wada jir ah u gudoomin doonaan madaxweynaha soomaaliya iyo ra,iisulwasaaraha Japan oo ka dhacaya magaalada Yokahama ee dalkaasi.

Inj C/raxmaan Yariisow ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha soomaaliya uu ka qeyb gali doono shir 1-3 bisha June ay dowlada Japan mar walba u qabato wadamadaa afrika,oo looga hadlay xiriir wanaagsan oo dhex mara dalka Japan iyo wadamada kale ee qaarada afrika.

Inj C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa intaasi ku daray in Madaxweynaha soomaaliya uu 15ka bisha soo socota uu magaalada London uga qeeyb gali doono shirka wadamada warshadaha ku hor maray ee G8ka.taasi oo noqon doonta markii ugu horeeysay oo madaxweyne soomaaliyeed lagu casuumo shirka wadamada G8ka.

Ugu dambeyntii safarka madaxweynaha waxaa uu imaanaya  xilli uu wareegto ka soo saarey ciidamada dawlada itoobiya iyo kiiniya ee ku sugan gudaha dalka soomaaliya isla markaasna ugu baaqay inay wax ka yar 48 saacood ciidamadood ugala baxaan dalka soomaaliya,taasi oo aan la aqoon in dawladahaasi u hogaansami doonaan hadalka soo yeeray madaxweynaha dawlada soomaaliya.

DSC01856DSC01905DSC01912DSC01914DSC01924DSC01926DSC01930DSC01932DSC019311

Iska Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com