Madaxweyne Bare Hiiraale Oo Kulan La Qaatey Masuuliyiin Ku Sugan Magaalada Kismaayo

0

Bare-HiiraleKismaayo(AGGM) Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Col Barre Aadan Shiire ” Hiiraale” ayaa maanta kulamo muhiim ah Madaxtooyada Maamulka Jubaland kula qaatey Masuuliyiin soomaaliyeed oo dhawaan ku dhawaaqay inay madaxweyneyaal ka yihiin degaanada Jubbaland,waxaana masuuliyiintaasi Madaxweyne Bare kala hadleen arrimo badan.

Masuuliyiintan waxaa ka mid ah Mudane Xasan Xaaji Maxamed oo hore u sheegey inu yahay madaxweynaha Jubbaland Iyo Cumar Buule,waxaana ay kala hadleen madaxweynaha Jubbaland sidii xaalada magaalada kismaayo wax badan looga qaban lahaa gaar ahaan dhinaca amaanka.

Madaxweyne Bare Adan Shire oo kulankaasi ka hadlay ayaa daboolka ka qaaday inuu soo dhawaynayo cid kasta oo dooneysa inay amaanka iyo horumarka gobollada Jubooyinka wax ka qabtaan,waxaana uu sheegey inuu diyaar u yahay inuu wax badan ka bedelo xaalada magaalada kismaayo gaar ahaan dhinaca amaanka.

Sidoo kale Mudane Xasan Xaaji Maxamed oo kulankaasi ka dib saxafada la hadlay ayaa daboolka ka qaaday inay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Col Bare Aadan Shire kala hadleen sidii loo wajahi laha xaaladaha amaan ee gobollada jubooyinka iyo Gedo oo ay hadda ku sugan qaybo ka mid ah kooxda Alshabaab.

Gebagabadii waxaa uu daboolka ka qaaday Xasan Xaaji Maxamed in kulankaasi ahaa mid diirada lagu saarayey falalka amaan darro ee ka dhaca magaalad kismaayo isla markaasna Madaxweynaha Jubbaland Col Bare Aadan Shire looga tashan sidii amaanka magaalad gacan bir ah loogu dhigaa isla markaasna talaabo looga qaadi lahaa kooxaha dhibaatada ku haya shacabka magaalada kismaayo.

Samsam Cabdi Yuusuf

Kismaayo,Jubadda Hoose

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com