War Deg Deg Ah: Wasiiraddii Ee Kismaayo Ku Sugnaa Oo Booqday Jiidaha Ciidamada Dawladu Kaga Sugan Yihiin Kismaayo

0

logo_squareKismaayo(AGGM) Ka dib muran iyo dood dheer oo u dhexeysa wasiiradda dawlada soomaaliya ee ku sugnaa magaalada kismaayo iyo Saraakiisha ciidamada Kiiniya ee maamulla gaaroonka kismaayo,waxaa wasiiradda dawlada soomaaliya ee uu hormuudka ka yahay Wasiirka Gaashaandhiga dawlada soomaaliya Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiiq maanta ay booqdeen jiidaha ciidamada dawlada soomaaliya kaga sugan yihiin gudaha iyo daafaha magaalada kismaayo.

Saraakiisha Ciidamada Kiiniya ayaa sheegey inaysan Daamaanad qaadi kariin amaanka saraakishaasi,waxaana la sheegey in Ciidamo ka tirsan kuwa dawlada soomaaliya ugu tageen garoonka diyaaradaha isla markaasna ay ka soo galbiyeen kuna soo wareejiyeen xarumaha ciidamada dawladu kaga sugan yihiin magaalada kismaayo taasi oo walaac ku abuurtey maamulka Axmed Madoobe,waxaana wasiirka uu uu weheliyo Abaandulaha ciidamada dawladu ciidamada dawlada kula dardaarmeen inay amaanka ilaaliyaan isla markaasna sii wadaa dagaalada ka dhanka ah Alshabab.

Amaan wasiiradda dawlada soomaaliya waxaa ciidamada Kiiniya ku wareejiyeen ciidamada dawladda soomaaliya ee kismaayo,waxaana arrintaasi aad uga xumaaday Maamulka Axmed Madoobe oo xalay ku hanjabay in hadii wasiiradu gudaha soo galaan magaalada kismaayo dagaalo dhacayaan,waxaana arrintaasi soo afjarantay ka dib markii ciidamada dawladu amaanka weftiga dawlada la soo wareegeen isla markaasna ku soo wareejiyeen xarumaha ciidamada dawlada ee magaalada kismaayo.

Dhinaca kale waxaa dhaqdhaqaaq ciidan wada Jamhadda Raskambooni oo iyagu ku hanjabay hadii wasiiradda ciidamada kiiniya gudaha kismaayo ku soo daayaan dagaal dhacayo,waxaana sidoo kale dhaqdhaqaaqyo ciidan iyana wada ciidamada dawlada soomaaliya ee la wareegay amaanka weftiga dawlada soomaaliya.

Gebagabadii lama oga in weftigu magaalada sii joogi doonaan iyo in kale,waxaana hadda ay ku sugan yihiin Huteelka Cas Caseey oo ay amaankiisa gacanta ku hayaan ciidamada dawlada soomaaliya,waxaana lagu wadaa inay kulamo muhiim ah la qaataan waxgaradka iyo aqoonyahanadda magaalada kismaayo ku sugan iyadoo kismaayo ay hore u sugnayeen wefti ka socda dawlada soomaaliya.

Wararka ka soo kordha arrimahaasi kala soco Allgalgaduud.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com