Shabaab Oo Soo Bandhigey Hub Ay Ka Qabsadeen Ciidamada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya (Sawiro)

0

garbo17Caabudwaaq(AGGM) Faalagada Alshabaab ayaa maanta magaalada Buulo Berde ee gobolka Hiiraan ku soo bandhigey hub iyo saanad ay sheegeen inay ka qabsadeen ciidamada ismaamulka Soomaalida Itoobiya,waxaana ay hubkaasi ku soo bandhigeen meel fagaare ah,waxaana ay sheegeen in dagaal dhawaan ka dhacay gobolka Hiiraan ay ku qabsadeen.

Sarkaal u hadlay Falaagadda Alshabaab ayaa sheegey in Ciidamada ismaamulka soomaalida itoobiya ku dagaalameen degaano hoostaga degmada Mustaxiil,waxaana uu sheegey inay tiro ka tirsan ciidamadaasi ay dileen isla markaasna kala wareegeen agab isugu jira hub,rasaas,raashin,telefoon iyo Agab kale oo badan,waxaana uu sheegey inay ka qabteen maxaabiis.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Shiikh Yuusuf Cali Ugaas isla markaasna u hadlay falaagada Alshabaab ee ka dagaalama gobolka Hiiraan ayaa sheegey inay sii wadayaan dagaalada ka dhan ah ciidamada ismaamulka soomaalida itoobiya ee gobolka Hiiraan,waxaana uu sheegey inay meel kasta oo soomaaliya gudaheeda ah ku weerari doonaan ciidamadaasi.

Falaagada Alshabaab maanta waxay meel fagaare ah ku soo bandhigeen waxyaalo badan ay ku tilmaameen inay ka soo qabsadeen Ciidamada loo yaqaano LIYUU BOOLIS ee ismaamulka soomaalida itoobiya,waxana ay Alshabaab sheegeen inay tiro ciidamo ah kaga dileen dagaalkaasi ku dhex marey duleedak Mustaxiil.

Ugu dambeyntii waxaa qalabkan Alshabab soo bandhigeen imaanayaa xilli dhawaan qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan ay ku dagaalaameen Alshabaab iyo ciidamada ismaamulka soomaalida itoobiya ee loo yaqaano LIYU BOOLIS,waxaanse la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac soo kala gaareyn marka laga reebo qalabkan ALshabaab saxafada ku soo bandhigeen.

garbo11garbo12garbo13garbo14garbo15garbo16garbo17

Isha Ku Hay Allgalgaduud.

Allgalgaduud@gmail.com