War Deg Deg Ah: Xiiso Dagaal Oo Ka Jira Magaalada Kismaayo & Goobaha Ganacsiga Oo Albaabada Loo Laabay

0

Breaking_NewsKismaayo(AGGM) Xaalada magaalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose ayaa ah mid aad u kacsan waxaana gudaha magaalada laga dareemayaa xiisado dagaal oo u dhexeya Ciidamada xooga dalka soomaaliya & kuwa Jamhadda Raaskambooni,waxaana laga cabsi qabaa in dagaalo saacadaha soo socda ka qarxaan qaybo ka mid ah magaalada kismaayo.

Dhamaan goobaha ganacsiga Magaalada kismaayo ayaa ah kuwo iriduhu u laaban yihiin,waxaana la sheegayaa in dadku guryahooda u kala hoydeen,waxaana wararku sheegayaan in ciidamada dawlada soomaaliya ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo culus kuwaasi oo la sheegey inay ku doonayaan inay wax kaga qabtaan xaaladaha amaan darro ee magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale ciidamada jamhadda Raskambooni ayaa la sheegayaa inay iyana dhinacooda ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan waxaana laga cabsi qabaa in ciidamada kala duwan ee magaalada kismaayo ku wada sugan isku dhacan isla markaasna uu gudaha magaalada kismaayo ka qarxo dagaal culus oo khasaare sababa.

Saraakiisha ciidamada dawlada soomaaliya oo hogaaminaya ciidamo aad u badan ayaa la sheegayaa inay gaaf wareegayaan xaafadahay iyo faras magaalaha magaalada kismaayo waxaana arriintaasi sababtey in dhamaan meheradii ganacsiga albaabada loo laabo markii salaada maqrib laga soo baxay.

Xiisadahan dagaal ayaa ah kuwo u dhexeya ciidamada dawlad soomaaliya iyo kuwa jamhadda raaskambooni,waxaana talaabadaasi ku soo aadayaa xilli labada dhinac ay warbaahinta isu mariyeen hadallo kulkulul oo keeni kara dagaalo dhiig badan ku daato oo labada dhinac dhexmara,

Ugu dambeyntii lama sadaalin karro meesha ay cago dhigan doonto xiisadaha dagaal ee ka aloosan magaalada kismaayo halkaasi oo ay ku loolamayaa maamulo kala duwan oo looga dhawaaqay magaalada kismaayo,Walaac xoogan ayaa soo wajahay shacabka ku dhaqan magaalada kisamayo,waxaana shacabku ka cabsi qabaan in lagu dul dagaalamo.

Wararka arrimahaasi ka soo kordha kala soco Allgalgaduud.

Daahir Cabdi Maxamed

Kismaayo,Jubadda Hoose

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com