Madaxweyne Xassan Sheekh Oo Siweyn Uga Soo Horjeestay Hab Dhaqanka Ciidamada Kenya Ee Kismaayo.*Dhagayso*

0

madaxweyne xasan sheekhAddis Ababa (AGGM): Madaxweynaha dowladda Kenya ayaa hadal uu ka jeedinayay shirka midowgga Africa ee maalintii shalay ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaa uu siweyn uga soo horjeestay wax uu ku tilmaamay hab dhaqanka ciidamada dowladda Kenya ee  ku sugan magaalada Kismaayo oo sida uu sheegay madaxweynaha ku guul-dareystay in ay sugaa amniga xubnaha ka socda dowladda ee jooga magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sheegay in ciidamada dowladda Kenya ee  ku sugan magaalada Kismaayo ka talaabeen sida uu hadalka u dhigay xadkii ama sharcigii nabad ilaalinta, taasoo uu ku tilmaamay arin nasiib darro ah.

”Runtii dowladda Kenya waxaa ay ka mid tahay dowladdaha IGAD ee u soo gurmaday dowladda federaalka Soomaaliya, waana uga mahad celineynaa arintaa iyada ah, laakiin ciidamada Kenya ee ku sugan kismaayo, waxaa ay la soo baxeen hab dhaqan aan wanaagsaneyn, xili dowladda ay qorsheyneyso in la sii anba-qaado dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolladaas,” ayuu yiri madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud.

Saraakiisha dowladda Kenya ee  ku sugan magaalada Kismaayo ayaa malin ka hor sheegay in aysan sugi karin amniga xubnaha ka socda dowladda ee ku sugan magaalada Kismaayo, taasoo keentay in wafdigii ka socday xukuumada ee maalintii shalay gaaray Kismaayo soo dhaafi waayaan garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta ka qeyb-gashay shirka midowgga Africa ee Addis Ababa islamarkaana dhageysanayay qudbada madaxweyne Xassan Sheekh ayaan la ogeyn talaabada uu qaadi doono, gaar ahaan marka la eego eedeynta loo jeediyay ciidamada Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com