Dawladda Kiiniya Oo Ciidamo Badan Oo Dhoobtey Xadka Ay La Wadaagto Soomaaliya

0

Kenyan-troops-in-Somalia2Beledxaawo(AGGM)  Dawladda Wadanka Kiiniya ayaa maanta soo dhoobey ciidamo badan xadka ay la wadaagto wadanka soomaaliya ka dib markii dhibaato xoogan maalmihi la soo dhaafay Alshabaab ka geysteen gudaha dalkaasi,waxaana ciidamadaasi la soo dhoobey xaduud kasta oo ay soomaaliya la wadagaan.

Dawlada kiiniya ayaa  casharo culculus ku qaadatey weeraro isdaba joog ah oo Xarakada Alshabaab ku qaadeen gudaha wadankaasi,waxaana soo dhoobitaanka ciidamadani imaanayaa xilli ay dhawaan Alshabaab xoog kula wareegeen magaalo ku taala Gudaha wadanka kiiniya isla markaasna ay wada dileen maamulkii tuulada Dhamaajaale oo ay la wareegen.

Xadadka ay dawlada kiiniya ciidamadeeda ay soo dhoobtey waxaa ka mid ah Mandheera, Amuume Iyo Dhoobleey,waxaana ay soo dhoobeen ciidamo badan oo hubeysan kuwaasi oo feejignaan dheeri ah qaba,waxaana ay baaritaano ku hayaan dadka iyo gaadiidka u kala goosha gudaha dalka kiiniya iyo Soomaaliya.

Alshabaab ayaa gudaha wadanka Kiiniya inta badan ka fuliya weeraro kala duwan oo isugu jira Afduub ,dil iyo dhaawac,waxaana ay hadda ku darsadeen inay weeraro culus kula wareegaan magaalooyin ku yaala gudaha wadanka kiiniya taasi oo cabsi saa’id ah ku abuurtey dawlada wadanka Kiiniya.

Ugu dambeyntii lama yaqaan xilligan dawlada kiiniya ay ciidamada ay soo dhoobtey xadka ay la wadaagto soomaaliya ay ka qaadi doonto ciidamada, inkastoo aysan sahal ahayn in dawladda kiiniya xadka ciidamada ka qaado maadama ay ka cabsi qabto weeraro uga yimaada Alshabaab.

Samsam Cabdi Yuusuf

Kismaayo,Jubadda Hoose

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com