Salaadiin,Ugaasyo Iyo Waxgaradka Jubbooyinka Oo Soo Dhaweeyay Qodobadii Ka Soo Baxay Shirkii Urur Goboleedka IGAD.

0

top newsMuqdisho (AGGM): Iyadoo shirkii urur goboleedka IGAD ee lagu soo gaba gabeeyey magaaladda addis ababa ee caasimada dalka Eithopia laga soo saaray qodobo ku saabsanaa arimaha ka taagan goboladda jubooyinka iyo maamulada is magacaabay oo aan la socon bulshadda deegaanadaasi ayaa maanta waxaa magaaladda muqdisho kulan ku yeeshay gudiga xiriirka arrimaha jubooyinka.

Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen salaadiin,ugaasyo,waxgarad,iyo nabadoono kasoo jeeda gobolada jubbooyinka ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha hadda ka taagan gobolada jubooyinka iyo dhibaatadda shacabka deeganaadaaasi ay ku qabaan maamuladda aan dowladda soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba la socon.

Dhamaan dadkii kulanka maanta kasoo qeeyb galay waxa ay si diiran ay usoo dhaweeyeen qodobadii ka soo baxay shirkii urur goboleedka IGAD ee dhawaan ka dhacay magaaladda adis-ababa ee xarunta dalka Eithopia qodobadaas oo qaar ka mid ah sheegayay waxa ka socda magaaladda kismaayo aanay waafaqsaneeyn dastuurka dalka iyo in maamuladda hadda ku kor awood sheeganaya shacabka aanu ka talin aayaha shacabka deegaanadaasi.

Kulanka maanta ayaa gebi ahaanba lagu ayiday qorshaha ku aadan in dowladda soomaaliyeed magaaladda muqdisho ay ku qabato shir dib u heshiisiineed islamarkaana loo qabto shacabka jubooyinka iyo in maamulo KMG ah loo dhiso goboladaasi sida ay sheegeen qaar ka mid ah salaadiintii iyo waxgaradkii kulankaasi kasoo qeyb galay oo  si isku mid ah u cambaareeyey dhibaatadda shacabka jubooyinka ay ku qabaan maamulada aan dowladda soomaaliyeed ka warqabin ee hadda kismaayo jooga.

Gudoomiyaha gudiga xiriirka ee gobolada jubooyinka C/qaadir xaaji maxamed (Suldaan Luga dheere) oo gaba gabagadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in shacabka jubooyinka ay diyaar u yihiin in wax walba xal laga gaaro islamarkaana shacabka deegaanadaasi nabad loo horseedo.

Inkastoo dhowr maamul oo is diidan looga dhawaaqay kismaayo ayaa hadana dowladda soomaaliyeed wax ay go’aamisay shacabka jubooyinka shir dib u heshiisineed loogu qabto magaaladda muqdisho taasoo ka mida h waxyaabihii  kasooa baxay shirkii urur goboleedka IGAD ee ka dahcay  magaaladda Adis ababa ee xarunta dalka Eithopia.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com