Afhayeenka Ahlusunna Waljamaaca Ee Koonfur Galbeed Oo Sheegay In Ay La Dagaallamayaan Al Shabaab.

0

AhluSUNA12Garbahaarey (AGGM): Mas’uuliyiinta maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee gobollada koonfurta Soomaaliya, iney duullaan ku qaadayaan deegaanada ay Al-shabaab kaga sugan yihiin gobollada Koonfureed ee dalka.
Afhayeenka Ahlu Sunna Koonfureed Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq Al-qaadi ayaa sheegay in ay heegan galliyeen ciidankii ugu badnaa kaasoo uu sheegay iney u diyaariyeen dagaal ay alshabaab la galaan.
Waxaa uu sheegay in ay maalmaha dhow ay  qaadi doonaan hawlgal ballaaran oo sida uu sheegay ay ku doonayaan iney alshabaab kaga sifeeyaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Koonfureed,wuxuuna si gaara u xusay iney ku wajahan yihiin deegaanada gobolka Gedo ee ay alshabaab ka arimiyaan.
”Ahlu Sunna waxaa ay hubka u qaadeen in ay ka difaacaan kooxaha horarka ah [Al-shabaab] shacabka Soomaaliyeed, dhawaanna waa soo afjari doonaan kooxahaas,” ayuu yiri afhayeenka gobollada koonfurta ee Ahlu Sunna.
Afhayeenka ayaa sheegay in xiliyada dhow ay dhagaha bulshada Soomaaliyeed ay maqli doonaan war ay ku farxaan sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna ku celceliyey in ay ka go’antahay dabargoynta alshabaab oo uu ku tilmaamay iney yihiin cadowga ummadda Soomaaliyeed kaasoo nolol iyo nabadba u diiday shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u yiri.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com