Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari "Baarlamaanka Ayaa La Horkeenayaa Barnaamijka Maamul Usameynta Gobolada Dalka"

0

jawaariMuqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya maanta xarunta golaha Shacabka ayaa waxa ay sheegayaan in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) uu sheegay in maalmaha soo socda baarlamaanka la horkeenayo barnaamijka maamul u sameynta gobolada dalka, kaasoo horay Xukuumada u ansixisay.

Prof. Jawaari oo ka qeyb galayay barnaamijka kulanka jimcaha oo ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka ayaa waxaa uu ka jawaabayay su’aalo la soo weydiinayay, isagoo ka warbixinayay waxqabadka baarlamaanka mudadii uu jiray.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in mudadii baarlamaanka jiray sagaalkii bilood ay wax badan u qabsadeen, sida ansixinta miisaaniyada iyo la xisaabtan xukuumada, isagoo xusay in baarlamaanka laga doonayo inuu la mid noqdo baarlamaanka caalamka oo kale.

Mar la weydiiyay mooshinkii dhowaan laga keenay Xukuumada oo xildhibaanada baarlamaanka ay dib ugu labteen ayuu sheegay in baarlamaanku uu tixgeliyay dareenka shacabka Soomaaliyed oo ka soo horjeeday mooshinkaas.

“Mowshinka waxaan rabaa shacabka ineysan qalad u fahmin wa mid mudanayaashu wax ku saxaan, laakin waxaa haboon ineysan arintu noqon mid wax lagu dhibaateeyo ama lagu aarsado, waana ku dadaalaya ineysan taasi dhicin” Prof. Jawaari.

Sidoo kale Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in todobaadka soo socda ay Xukuumada u soo gudbin doonto barnaamijka maamul u sameynta gobolada dalka, isagoo xusay in baarlamaanka uu si degan u eegi doono, ayna uga doodi doonaan.

Barnaamijka maamul u sameynta gobolada dalka iyo arrimaha federaalka ayaa ahaa doodo maalmihii u dambeeyay ka dhex taagnaa baarlamaanka gudihiisa, waxaana xildhibaano ka mid ahaa kuwii soo diyaariyay ay mooshinkaas ay taageersanaayeen maamul u sameynta Jubbaland.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com