Dowladda Kenya Oo U Ololaynaysa Sidi Qaxootiga Soomaalida Dalkoodii Hooyo Loogu Celin Lahaa.

0

uhuru-kenyattaAddis Ababa (AGGM): Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku sugan magalada Addis abab ee dalka Itobiya halkaasi oo uga qayb galayo kulan sanad guudii 50 ee ka soo wareegtay markii ururka midowga afrika la asaasay .

Madaxwayne Kenyatta ayaa ajandooyiinka ugu waawayn ee uu doonayo in uu u bandhigo madaxda wadamada africa ayaa waxa ka mid in africa ay gacan ka gaysato sidii xasilooni loogu soo dabaali lahaa soomaaliya .

Madaxwayne Kenyatta ayaa horay u sheegay in marka kulanka  africa ee adis ababa la isugu yimaado uu ku boorin doono hogaamiyayaasha africa in ay ka qayb qaataan dib u dhiska iyo xasiloonida soomaaliya .

Madaxwayne kenyatta ayaa sheegay in xaasiloonida iyo nabada soomaaliya ay tahay mid ay dan wayn ugu jirto guud ahaan gobolka bariga africa .

Dowlada dalkani Kenya ayaa gaar ahaan si aad ah ugu ololaynaysa sidii qaxootiga soomaalida dib loogu celin lahaa dalkoodii hooyo .

Madaxwayne kenyatat ayaa farta ku fiiqay in dhibaatada soomaaliya ay saamaynta ugu balaaran ku yeelatay dalkani Kenya ayada oo kenya marti galisa qaxootiga ugu badan ee soomaaliya ka soo qaxay .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com