Cabdi Baale Iyo Cumar Buraale Axmed Oo Maanta Kulan La Qaatey M/weyne Col Bare Aadan Shire

0

bare aden shire2Kismaayo(AGGM) Xarunta Madaxtooyada Maamulka Jubbaland gaar ahaan dhinaca uu Xafiiska Madaxweyne Bare Aadan Shire ” Hiiraale ” waxaa maanta ka qabsoomay kulan muhiim ah kaasi oo dhexmarey laba masuul oo ka mid ahaa raggii dhawaan loo doortey Madaxweyneyaasha Jubbaland kuwaasi oo kala ahaa Cabdi Baale Iyo Cumar Buraale Axmed oo dhawaan ku dhawaaqay inay yihiin Madaxweyneyaasha Jubbaland.

Labada Masuul ayaa booqday saaka Madaxtooyadda Madaxweyne Bare Hiiraale waxaana ay kala hadleen arrimo badan oo ay u horeyso sidii gobollada Jubooyinka Iyo Gedo amaankooda loo adkeyn laha isla markaasna looga hortagi lahaa cid kasta oo isku dayda inay falal amaan darro ka rido gobollada Jubbaland.

Kulankaasi ka dib waxaa saxafada la hadlay Cumar Buraale Axmed oo sheegey in kulankoodu ku aadanaa sidii nabad loo hirgelin lahaa isla markaasna ay ula midoobi lahayeen Maamulka Madaxweyne Bare Aadan Shire,waxaana ay sheegeen inay la shaqeynayaan Madaxweynaha Jubbaland Col Bare Aadan Shire Hiiraale.

Sidoo kale waxaa uu daboolka ka qaaday inay ka wada hadleen sidii looga talaabsan lahaa caqabadaha ka taagan magaalada kismaayo isla markaasna amaanka magaalada looga dhigi laha mid gacan adag ku jira,waxaana uu sheegey in maalmahan magaalada Kismaayo ay ka dhaceen falal amaan darro oo isugu jira dhac iyo dil.

Gebagabadii waxaa wararka Allgalgaduud laga helayo ay sheegayaan in labadaasi masuul ay sheegeen inay xilalkooda madaxweynenimo ka tanaasulayaan isla markaasna ku biiri doonaan Maamulka uu dhawaan soo dhisi doono Madaxweyne Bare Aadan Shire. Kulankan maanta ayaa imaanaya xilli Xubnihi IGAD Iyo Wasiiradda Arrimaah Dibedda Midawga Afrika sheegeen in maamullada Kismaayo looga dhawaaqay ay yihiin kuwo aan sharciga waafaqsaneyn.

Saleebaan Guuleed Warsame

Kismaayo,Jubbadda Hoose

Isha Ku Hay Allgalgaduud.

Allgalgaduud@gmail.com