War Deg Deg Ah: Ciidamada Dawladda Oo Gacanta Ku Soo Dhigey Dad Looga Shakisan Yahay Madaafiicdii Villa Somaliya Lagu Garaacay.

0

breaking-news-lloyd-irvin-keenan-jordon-atosMuqdisho: (AGGM) Xaruntaa Dambi Baarista dalka soomaaliya ee ku taala Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho waxaa saaka lagu soo daad gureeyeye dhalinyaro aad u tiro badan kuwaasi oo looga shaki qabo inay xiriir la leeyihiin Xarakada Alshabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka soomaaliya.

Ciidamada mileteriga dawlada soomaaliya oo kashanay ciidamada sirdoonka dawlada ayaa la xaqiijiyey inay saacadihii la soo dhaafay ee  saaka hawlgallo ay lagu soo qab qabtey dhalinyaro badan oo ku sugnaa xaafadaha ku dhaw dhawy madaxtooyada,waxaana la sheegayaa in gaadiid aad u waaweyn oo ciidamada dawladu leeyihiin dadkaasi lagu soo daabulay.

Goob jooge ku sugan Isgoyska KM 4 gaar ahaan dhanka galbeed ee ay ku taalo xarunta dambi baarista dawladda soomaaliya lagu soo gurayo dhalinyaro badan oo indha ka xiran isla markaasna la aaminsan yahay inay ku jiraan kooxo xalay madaafiic ku weeraray madaxtooyadda soomaaaliya.

Goob joogahan u waramay Allgalgaduud ayaa daboolka ka qaaday in dadkaasi qaarkood lagu soo qabqabtey qoriga hoobiyaha ah oo ka mid ahaa hubkii xalay lagu weeraray madaxtooyada soomaaliya,waxaana lagu wadaa in dawlada soomaaliya ka hadasho soo qabqabashada dadkaasi.

Gebagabadii waxaa la shaacinayaa in dadkaasi la kala saari doono wixi dambiile ah ee uu ku cadaado weerarkii xalay lagu qaadey xarunta madaxtooyada villa soomaaliya,waxaana la shaacinaya in dadkaasi ay ku jiraan haween la aamiinsan yahay in guryaha hubkaasi laga halay ay deganayeen.

Samsam Cabdilaahi Aadan

Muqdisho,Somalia,

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com