Kooxda Alshabaab Oo Weerar Madaafiic Ah Ku Qaaday Villa Soomaaliya

0

hoobiyeMuqdisho( AGGM) Goob jooge ku sugan Degmada Warta Nabada ee magaalada Muqdisho ayaa saaka shabakadda Allgalgaduud u xaqiijiyey in xalay Xarakada Alshabaab weerar Madaafiic ah ku waadeen xaafado u dhaw dhaw nawaaxiga Madaxtooyada Villa Soomaaliya,waxaana la sheegey in madaafiicdaasi ku dhaceen xaafado dad rayid ahi deganayeen.

Madaafiicdan oo tiradooda lagu sheegey 10 Madfac ayaa la aaminsan yahay in Alshabaab ku soo tuureen Xarunta Madaxtooyada iyagoo aanayn madaafiicadaas wax khasaare ka geysan gudaha madaxtooyada balse la xaqiijinayo in xaafadaha madaxtooyada u dhaw dhaw ay ku dhawacmeen laba ruux oo raiyd ahi.

Dhinaca kale ma jiraan wax jawaab ah oo ciidamada ilaalada madaxtooyada villa Soomaaliya ka bixiyeen madaafiicdaasi,waxaa saaka lagu wadaa in ciidamada dawladu ay baaritaano dheeri ah ka sameeyaan xaafadaha ku dhaw dhaw nawaaxiga madaxtooyada iyagoo saaka la arkayey ciidamo badan uu sii lugeynaya xaafadaha ku dhaw dhaw madaxtooyada.

Dhinaca kale ma jiraan cid ka tirsan faalagada Alshabaab oo weeraradaasi sheegatey inkastoo inta badan weerarada ka dhaca gudaha magaalada muqdisho iyaga lagu eedeeyo,waxaana la filayaa in Alshabaab saacadaha soo socda idaacaha ka sheegtaan inay iyagu ka dambeeyeen weeraradaasi.

Ugu dambeyntii sidoo kale ma jiro wax wara oo wali ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya isla markaasna ku aadan weerarka xalay lagu qaadey madaxtooyada,mana aha markii ugu horeysay madaxtooyada Villa soomaaliya weeraro madaafiic ah ku qaadaan kooxda Alshabaab.

Samsam Cabdilaahi Aadan

Muqdisho,Somalia,

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com