Xildhibaano ka Tirsan Dawladda Soomaaliya Oo Wada Mooshin Ka Dhan Ah Ciidamada Kiiniya Ee Somaliya Ku Sugan

0

Muqdisho(AGGM)gudiga Xildhibaano ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka soomaaliya ayaa la shaaciyey inay saacadihii la soo dhaafay gudaha magaalada Muqdisho ka bilaabeen mooshin ka dhan ah joogitaanka ciidamada dawlada kiiniya ee ku sugan gudaha dalka soomaaliya,waxaana xildhibaanadaasi tiradooda lagu sheegey 130 mudane kuwaasi oo eedeyn u jeediyey dawladda Kiiniya.

Mudane ka mid ah xildhibaanadaasi oo lagu magacaabo Mudane Cabdulaahi Jaamac ayaa sheegey in xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya ay diyaar u yihiin inay ka doodaan mooshin ka dhan joogitaanka ciidamada dawlada kiiniya ee gudaha soomaaliya,waxaana xildhibaankaasi sheegey inaysan ciidamada kiiniya gudaha dalka soomaaliya ku joogin nabad ilaalin balse ay qas iyo dhibaato ka wadaan degaanada ay joogaan hadda.

Xildhibaankan oo saxafada kula hadlayey gudaha magalada Muqdisho waxaa uu sheegey in ciidamada Kiiniya gudaha dalka ka wadaan abaabul dagaalo qabiil oo ay kala dhex dhigaan dadka walaalaha ah ee ku wada gudaha gobollada jubooyinka,waxaana uu sheegey inaan loo dul qaadan doonin sii joogitaanka ciidamada kiiniya ee gudaha dalka.

Waxaana Xildhibaanku yiri ” Waxaanu hadda diyaarinay mooshin ka dhan ah joogitaanka ciidamada dawlada kiiniya ee gudaha soomaaliya,waxaana mooshinkaas hadda soo gudbinaya in ka badan 130 mudane,waxaanuna ka doodeynaa sidii ciidamada kiiniya dalka soomaaliya looga saari lahaa”

Waxaa kale oo uu raaciyey ” Ciidamada dawlada kiiniya ee Nabad ilaalinta ku yimid gudaha soomaaliya hadda ma muuqato inay nabad ilaalin u joogaan balse waxay dalka ku joogaan inay qaska soomaaliya sii daba dheerayaan isla markaasna dib u soo celiyaan dagaaladii sookeye ee ka dhici jirey gudaha soomaaliya,waxaana ay hubeynayaan kooxo gaar ah oo ciidamada kiiniya si bareer ah u tageerayaan,shacabka soomaaliyeed ma aqbali doonaan arrimaha ciidamada kiiniya wadaan ”.

Waxaa mooshinkan imaanayaa xilli dhawaan la kala furfuray xildhibaano doonayey inay mooshin ka dhan ah xukumadda Raisalwasaare Saacid horgeeyaan baarlamaanka,waxaana xildhibaanadaasi hadda u degel rogteeen dhinaca mooshinka ka dhanka ah joogitaanka ciidamada dawlada kiiniya ee gudaha soomaaliya.

Guntii Iyo Gebagabadii waxaa uu xildhibaankaasi xusay in Mooshinkaas maalmaha soo socda xildhibaanadu ka doodi doonaan isla markaasna u qaadi doonaan cod in ciidamada dawlada kiiniya gudaha soomaaliya iskaga baxaan maadama aysan shaqadii loogu tallo galay qabaneyn xilligan balse hawlo kale ku mashquulsan yihiin .

Samsam Cabdilaahi Aadan

Muqdisho,Somalia,

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com