Xassan Daahir Aweys Oo Ka Hadllay Khilaafka Soo Kala Dhaxgallay Saraakiisha Al-shabaab.

0

xasan-daahir-aweys-267x300Muqdisho (AGGM): Xassan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha kooxda Al-shabaab, oo la hadllayay TV-ga Soomaali Chanel ayaa sheegya in uu jiro khilaaf xoogan oo soo kala dhax-gallay saraakiisha Al-shabaab, isaga oo siweyn u weeraray hogaamiyaha ugu sareen kooxda Axmed Godane.
Xassan Daahir ayaa ku eedeeyay Axmed Godane sida uu hadalka u dhigay in uu isku soo kooban awoodii kooxda, wuxuuna tilmaamay inuu ku sifoobay kaligii talisnimo,xukunkii iyo taladii alshabaabne uu kaligii isku koobay isla markaane uu iska dhega tiray dhegeysiga talooyinka ragga kale ee ka tirsan saraakiisha Al-shabaab.
”Khilaafka kooxda u dhaxeeya waxa auu jiraa, waxaana mas’uul ka ah ninka lagu magacaabo Axmed Godane, waxaa uu maroorsan ninkaa oo uu isku soo kooban taladii iyo hogaamintii kooxda Al-shabaab,” ayuu yiri Xassan Daahir Aweys.
Waxaa uu sheegay Xassan Daahir Aweys haddii ay arrimuhu ku sii socdaan sida ay hadda wx yihiin laga yaabo sida uu hadalka ku dhigay in uu baabo Jihaadka, koox kooxna loo kala fur furto.
Mar uu soo hadal qaaday wax ka jira in uu dhintay Abuu-mansuur iyo Al-Amirki iyo in kale, waxaa uu sheegay in Abu Mansuur Al-amriki uu wali noolyahay balse wuxuu qiray in Axmed Godane uu isku dayey inuu Khaarajiyo Al-amriki.
Wuxuuna intaa raaciyey in hogaamiyaha A-shabaab Godane uu ku raadjoogo Abu Mansuur isla markaana uu qorsheynayo inuu ka takhaluso,wuxuuna isweydiiyey sababta keentay in la gooyo naf Muslim ah oo aan diinta ka bixin isla markaane aan muteysan dilka.
”Anniga sabab loo dilli karaa ma aaminsani in ay jirto, maxaa yeelay haddii uu cabashadiisa ka hadllay ama uu sheegay dhibaatada uu qabo ma’aha gaalnimo,” ayuu yiri Xassan Daahir Aweys.
Hadalka Xassan Daahir Aweys ayaa muujinaya khilaaf xoogan oo xiligan soo kala dhax-gallay saraakiisha ugu sareysa kooxda Al-shabaab oo u muuqda kuwo xiligan u sii kala jabaya labo garab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com