Hawada Somaliland Oo Qatar Uugu Jirta Inay Xiranto Xitaa Duulimaadyada Rayidka.

0

calanHargeysa: (AGGM): Kadib markii Hawada Somaliya lagu wareejiyey dowlada Somaliya

 

 

 

ayaa waxaa qeylo dhaan ka keenay maamulka Somaliland oo u arka in hadii hawadooda la hoos geeyo Muqdisho aay ka dhigan tahay iyadoo dhamaanba ictiraafkii aay sugayeen uu halkaa ku bur buray.

Arinkan ayaa sii murgay kadib markii maamulka Somaliland dhinaciisa uu joojiyey duulimaadyadii UN ee hargeysa tegi jiray, maamulka Somaliland ayaa la sheegay inuu xiriir la sameeyey heyáda duulista hawada ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan ICAO xaruntooduna ku taal Montreal iyadoo madaxaxa heyádaas Raymand Benjamin uu u sheegay in goáankan yahay mid qaramada midoobay gaadhay waxbana aaysan heyád ka bedeli karin.

Dacwooyin iminka u maqan maamulka Somaliland hadii aay wax uga socon waayaan waxay ku qasbanaan doonaan inay labo mid yeelaan.

1-In aay hoos tagaan Muqdisho oo halkaa laga maamulo hawada Somaliland.

2-In dhamaanba aay joogsadaan duulimaadyada taga Somaliland kaasi oo aay ku jirto duulimaadyada ryidka.

Lama oga sida qaramada midoobay oo todobaadkan goáan ku gaartay in dowlada Somaliya loo madax baneeyo hawadeeda aay hadana goáan kale uga soo saari lahayd kaasoo siinaya in Somaliland hawadeeda maamusho, hadii aay dhacdo in Somaliland hesho inay hawadeeda maamusho waxay ka dhigan tahay iyadoo ictiraaf ka heshay qaramada midoobay, taasoo lafteeda aan ahayn arin sahlan.

Waxaa la arki doonaa sida qaramada midoobay u maareyso hawada Somaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com