Xukumada Federaalka Soomaaliya Oo Ka Hadashay Doorashooyinka Jubbaland.

0

WASIIRKA-ARIMAHA-GUDAHAMuqdisho (AGGM): Xukuumada Federaalka Soomaaliya, ayaa kahadashay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Kismaayo, iyadoo madaxweynaha Jubaland loo magacaabay Axmed madoobe.

Wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, oo barta uu ku leeyahay twitter-ka soo dhigay fariin, ayaa sheegay in Xukuumada aysan marnaba ogolaan doonin waxyaabaha ka soconaya Kismaayo, islamarkaasna doorashadii shalay ka dhacday ay tahay mid xad gudub ah oo aan waafaqsaneen shuruucda dalka.

“Xili maanta ay doowladu guddi u dirtay Jubooyinka in lagu soo beego arintaan waa xadgudub ka dhan ah Shuruucda dalka, mana ogolaaneyno” ayuu yiri wasirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka.

“..Arintaan waxaan ka maqalnay warbaahinta in maamul looga dhawaaqay Kismaayo, laakiin anaga mowqifkeena horay ayaan u cadeeynay mana yeeleyno waxa halkaas ka socda…” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay.

Halkaan ka aqriso fariinta uu wasiirka soo dhigay Twitter-kiisa

Shalay ayay ahayd markii magaalada Kismaayo looga dhawaaqay laba madaxweyne, oo kala ah Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale oo isna sheegtay in isaga la doortay.

Xaalada Kismaayo ayaa saakay dagan in kastoo lasoo sheegayo in magaalada ay kajiraan dhaq dhaqaaqyo Milatari, lamana oga waxa ay ku danbeyn doonto Xaalada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com