Midowga Africa Oo Soo Dhaweeyay Wax Qabadka Dowladda Soomaaliya.

0

african unionMuqdisho (AGGM): Golaha nabadgalyada iyo amanka ee taabacsan ururka midowga afrika ayaa soo dhaweeyay dhacdooyinki ugu danbeeyay ee dalka Somalia laga hirgaliyay sida talaaboyinka lo qaday xal u helista qodobo ku qoran dastuurka Somalia iyo dadaalada ay xukuumada Somalia ku bixinaysao xoojinta xirirka ay la sameenayso maamul goboledyada wadanka ka jira.

War saxafaded ay kasoo saaren golaha magalada Adis-ababa ee xarunta wadanka Ethiopia ayaa waxa ay ku soo dhaweyen dadaalada lagu dhisaayo ciidamada Somalia iyo sidoo kale wada hadaladii madaxweynaha Somalia xasan SheeqMaxamud iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland ku dhex maray magalada Ankara ee wadankaTurkiga.

Golaha ayaa soo jeediyay baaq ku aadan in cid walbo oo daneynesa ariimaha Somalia ay taagerto natiijadii ka soo baxday shirki London.

War saxafadedka golaha nabad galyada iyo amanka ee midawgaAfrika ayaa waxa lagu amaanay dowrka ciidamada AMISOM ay ka cayaraan siyaasada gudaha wadanka Somalia.

Kulanka intii u socday ayaa waxa hadal laga dhagestay madaxa arimaha nabad galyada iyo amanka golahasi ramtaana lamamra oo si qoto dheer uga warbixiyay waxyaabihi kazoo baxay shirki London iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee wadanka Somaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com