War Deg Deg Ah: Col. Bare Ade Shire Oo Loo Doortay Madaxweeynaha Jubbaland.

0

breaking_news-620x3301Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta kulan ay isugu yimaadeen dhamaan odoyaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee daga Jubbooyinka iyo Gedo ay Madaxweynaha Jubbaland u doorteen Col. Bare Aden Shire “Bare Hiiraale”.

Shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen odoyaasha dhaqanka beelaha daga Jubbooyinka iyo Gedo saacadu markay ahayd waqtiga Kismaayo 17;00 ayaa waxa ay ku doorteen inuu Madaxweyne u noqdo gobolada Jubbooyinka iyo Gedo Mudane Barre Aden Shire “Bare Hiiraale”.

Isla goobtaas ayaa waxaa lagu dhaariyay Madaxweynaha Jubbaland Col.Bare Aden Shire iyadoo madashaas ay goob joog ka ahaayeen odoyaasha dhaqanka ee Jubbooyinka iyo Gedo.

Dhinaca kale waxaa sidoo maanta beesha kablaxlax ay u doorteen madaxweynaha Jubbaland horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe.

Isku soo wada duuboo waxaa maanta magaalada Kismaayo lagu doortay laba madaxweeyne Col. Bare Aden Shire oo ay doorteen odoyaasha dhaqanka beelaha Jubbooyinka iyo Gedo iyo Axmed Madoobe oo ay doorteen beesha Kablalax, arrintaan ayaana wax ay keeni kartaa inay dhaliso gacan ka hadal ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo.

Filo Dhawaan Sawirada Iyo Video-ga .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com