Shan Ruux Oo Ku Dhimatay Dagaal Ka Dhacay Goof-gaduud Ee Gobolka Bay.

0

Dagaal-GedoBaydhabo (AGGM): Shan qof ayaa ku dhimatay, 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal xalay deegaanka Goof-gaduud ee koonfur galbeed ka xiga magaalada Baydhabo ku dhex maray maleeshiyada al-Shabaab iyo ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Labo ka mid ah dadka ku dhintay dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inay ahaayeen dad rayid ah, halka sagaal ka mid ah dadka dhaawacmayna ay sidoo kale yihiin dad rayid ah.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii maleeshiyo ka tirsan kooxda al-Shabaab ay weerar ku qaadday deegaanka Goof-gaduud oo ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dhowaan fariisimo waxay ka sameysteen deegaanka Goof-gaduud.

Taliyaha ciidnaka dowladda ee Goof-gaduud Maxamuud Maxamed Jiirey ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay iska caabbiyeen weerarka ay soo qaadday al-Shabaab.

Ma ahan markii ugu horreysay oo kooxda al-Shabaab ay weerar ku qaaddo deegaanka Goof-gaduud oo saldhigyo ciidan ay ku leeyihiin ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com