Kismaayo: Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed Ee Jubbooyinka Iyo Gedo Oo Qaadacay Shirka Kismaayo.*Daawo*

0

GURUX111Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo aya waxa ay sheegayaan in shalay kulan ay ku yeesheen gudaha magaaladaasi Odayasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ee daga goboladda Jubbooyinka iyo Gedo.

Kulankan oo ahaa mid ay isugu yimaadeen Odayaasha dhaqanka ayaa waxaa lagu qaadacay shirka ka socda magaalada Kismaayo ee ay horboodayaan saraakiil Kenyan ah iyo beel kamid ah beelaha Soomaaliyeed.

Odayaasha dhaqanka ayaa waxa ay si cad u sheegeen inaysan qeeyb ka aheen shirkaas islamarkaana waxii kasoo baxaa aysan quseeyn beelaha ay matalaan.

Dhinaca kale horjoogeyaasha iyo bahda saxaafada ee maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxa ay hor istaageen inaysan kulankaas ka qeeyb galin bahda saxaafada magaalada Kismaayo, balse warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxaa u suuro gashay inay idiin soo tabiyaan shirkaas.

Horjoogeyaasha iyo bahda saxaafada ee maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxa ay si toos ah u maamulaan weriyeyaasha TV-yada sida Universal TV, Somali Chanel, Radio Kismaayo iyo SNTV.

Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa sidoo kale waxa ay uga digaysaa horjoogeyaasha iyo bahda saxaafada maleeshiyo beeleedka Raaskambooni inaysan isku dayin inay caburiyaan dadka ku dhaqan magaaalda kismaayo iyo bahda saxaafada Xorta ah ee Jubboyinka.

Isku soo wada duuboo kulankan ayaa waxa uu ku soo gabgaboobay guul, is afgarasho iyo go’aan mideeysan oo ku aadan in la qaadaco waxii kasoo baxa shirkaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com